Yariisow oo sheegay dadka Muqdisho inay aayahooda ka tashan doonaan

0
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Yariisow

Muqdisho (SK)-Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cusmar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in la soo gaaray xilligii dadka magaalada Muqdisho tashan lahaayeen aayahooda.

Yariisow ayaa sheegay sannadka 2019-ka uu noqon doono sannad laga tashado meeqamka magaalada Muqdisho iyo sidii dadka deggan gobalka Banaadir uga tashan lahaayeen aayahooda.

“Sannadkan waa sannadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sannadkii dhameystirka dib u eegista dastuurka, sannadkii maqaamka Muqdisho bulshadeeda aayahooda ay uga tashan lahaayeen oo ay ula mid noqon lahaayeen gobollada kale ee dalka”. ayuu yiri duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay matalaadda gobalka Banaadir

“Waa in sanandkan aan ka dhabeynaa in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad haddii ay ahaan laheyd aqalka sare iyo golaha shacabka, isla markaana ay noqon doonaan gobal la mid  goballada kale xuquuqda goballada helaan ay heli doonaan taasna waxa ay ku imaan kartaa midnimada Soomaaliya”ayuu yiri duqa Muqdisho.

Yarisow ayaa intaa raaciyay in muddo ay soo dulqaateen, si meeqaamka Muqdisho loo shaacin lahaa.

Dastuurka kumeel gaarka ee dalka waa uu dhigayaa in Muqdisho ay yeelato meeqam gaar ah balse ma cadda xilliga iyo sida uu noqon doono maqaamkaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey uga soo saaray war ay ku cadeenayaan in ay iyaga kaliya go’aamin karaan meeqamka magaalada Muqdisho

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com