Yaa Madaxweyne lagu tilmaami karaa?

0
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Farmaajo: Waxaa doortey Baarlamaan, weliba Baarlamaankaasi maaha mid ka yimid xisbiyo ee waa mid beelo soo xuleen, oo ergooyin magac u yaal ah xildhibaan walba 51 qof keentay, 327 x51= 16,667, Farmaajo wuxuu ku noqday Madaxweyne codadka 184 wuxuu helay tiro ku dhaw inta diiday oo ah 143 cod.

Halka Madaxweyne Muuse Biixi uu ahaa Guddoomiyaha iyo tartamaha xisbiga Kulmiye, kaddibna uu la tartamayey Xisbiyada UCID IYO WADANI. Markii la tireeyey codadka iyo ayuu Muuse helay 55% dadkii is diiwaangeliyey oo gaadhayey 700 Kun wuxuuna ku noqday Madaxweynaha Soomaalilaan 305 909 kun.

Madaxweyne Farmaajo uma laha awood inuu booqdo isagoo dhulka marayaa oo wuxuu diyaarad ku tagaa Balcad oo 30km u jirta iyo Afgooye 30km u jirta. Sidoo kale Farmaajo taladiisu ma wada gaadhsiisna dhammaan dhulka kuu ku magacaaban yahay inuu u yahay Madaxweyne.

Halka Madaxweyne Muuse biixi inta u qaydan uu dhammaanteed lugta ku mari karo taladiisuna gaadhayso, sidoo kalena fullintiisu ka shaqeyso.

Madaxweyne Farmaajo ma laha cod togan oo uu ku diidi karo eedaha loo jeediyo ee wuu ka dhuuntaa dadweynaha iyo xildhibaannada saluugsan hannaankiisa siyaasadeed, had walbana wuxuu hortagaa Afar qof uu isagu xushay, waxaana wararka ka duuba dad aan awood u lahayn inay wax weydiiyaan. Mararka qaarkoodna markuu socdaal aado ayuu farriin soo diraa sidii nin aan Madaxtooyadiisa ku hadli karin.

Halka Madaxweyne Muuse Biixi bannaanka isla soo taago aragtidiisa kalana doodo ragga ay iska soo horjeedaan ee saluugsan hannaankiisa siyaasadeed. Isagoon dilin, xidhin kuna duulin habeenkii.

Madaxweyne Farmaajo ma jiro dastuur uu ku shaqeeyo iyo garsoor dalka ka jira oo kala hagi kara isaga iyo ciddii ka soo horjeeda, wax waliba magaalada uu xukumo isagaa ka ah. Mana ku noolaan karo qofka diidan aragtidiisa siyaasadeed iyo hannaankiisa maamul.

Halka Madaxweyne Muuse Biixi ciddii ay is qabtaan ay ku kala baxayaan, Garsoorka iyo dastuurka Somaliland sidoo kalena ay talo ku leeyihiin labada aqal ee guurtida iyo aqalka golaha wakiillada.

Halka uu cid walba magacaabi karo magaalada Muqdisho madaxweyne Farmaajo iyo golihiisa fullintu, xitaa guddmiiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

Hargeysa iyo Gobollada kale waxaa u madax bannaan dadweynaha iyaga ayaana doorta golaha deegaanka iyo guddoomiyaha degmada, waxay dowladda dhexe keliya magacoowdaa guddoomiyaha gobolka iyo laamaha iyo waaxaha hoostaga dowladda dhexe.

Haddaba Aqoonsiga iyo arrimaha ku saabsan haynoo dambeeyaan ee hannaanka dowladnimo iyo habraaceeda labada dhinac yaa ku horreeya?

Labada Madaxweynene keebaa ku jooga doorasho dadweyne iyo dastuur qoran?

Labada dadweyne keebaa xulasho iyo doorasho leh?

Labada maamulna keebaa hannaan siyaasadeed iyo hawlo maamul mudan?

Labada deegaanse keebaa Nabad iyo kala dambeyni ka jirtaa?

Yaa dowlad ah? Yaase magac u yaal ah?

FG: Marka aad qoraalka. aqrido, weydiimaha ka warceli, adigoon qoraalka aqriyina haysku daalin inaad faallo ka bixiso, wixii ka baxsan ujeedka aan ka hadlay, gurigaaga la joog oo laabtaada ku hayso.

W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin