Xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee DDSI oo tagay Addis Ababa [DAAWO]

0

Nairobi (SK)-in ka badan 40 xubnood oo ka tiran xubnaha xisbiga dimuquraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobiya, iyagoo hallkaas u jooga wadahadallo ay la yeelanaayaan dowladda federaalka Itoobiya.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan Jigjiga, xubnahana waxa ay dowladda kala arrisanayaan shir degdeg ah oo xisbiga XDSHSI uu yeelan doonaan maalmaha soo socda, waxaana la hadlayaa halka lagu qabanayo iyo goorta la qabanayo.

Telefishanka DDSI ee ESTV ayaa baahiyey in tirada xubnaha ee tagay Addis Ababa ay gaarayaan 47 xubnood oo ka tirsan golaha dhex ee XDSHSI

Dhinaca kale, Xaaladda magaalada Jigjiga iyo guud ahaan magaalooyinka dowlad deeganka Soomaalida ayaa deggan maanta Jimco ah, kaddib markii ay shaqaaqooyin ka dhaceen Sabtidii oo ay dad ku dhinteen hantina lagu gubay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in xaley 45 xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee DDSI ay halkaas ka tageen iyagoo aaday dhinaca iyo magaalada Addis Ababa, waxaana la sheegayaa in ay u yeertay dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa xaley magaalada Jigjiga shir jaraa’id kuwada qabtay taliyaha booliska magaalada Jigjiga iyo taliyaha millitariga bariga Itoobiya iyagoo ku heshiiyey inay si wadajir ah u shaqeeyaan isla markaana shacabka Soomaalida Itoobiya aysan u arkin ciidamada millitariga ee magaalada soo galay kuwa cadow ah.

Magaalada Internetka ayaa ka go’an muddo ka badan shan cisho, dadkuna waa kuwa weli ay dhagta u taagan tahay.

                                   Halkan ka daawo warbixinta ESTV

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com