XOG: Guddoomiyaha golaha shacabka oo ku soo biiray ololaha Lafta Gareen

0
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan

Maalmihii u dambayeeyey waxaa xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Agaasime ku-xigeen NISA Fahad Yasin ka socotay ololaha sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan ka dhacaysa Baydhabo musharaxa dawlad oo ah Cabdiasis Xassan Lafta Gareen.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa ku soo biiray ololaha Lafta Gareen, sida aan ku ogaaday Xog lagu kalsoon yahay. Gudoomiye Mursal iyo Fahad Yasin ayaa kullan kula qaatay Hotel Muqdisho ah Xildhibaano KG ah oo laga keenay magaalada Baydhabo, iyagoo ka dalbaday inay u codeeyaan Lafta Gareen lacag badana ay dawladu siin doonto.

HeestiiTola’ay Soomaaliyeey

Guddoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada ugu hanjabay inay dawladdu ka xirayso Baydhabo cirka iyo dhulkaba, (Duulimaadya iyo gaadiidka), ayna go’doomin doonto haddii aysan u codayn Lahta Gareen,

Guddoomiye Mursal ayaa xildhibaanada u balan qaaday haddii ay doortaan Lafta Gareen in dawladdu u qori doonto mushahaar u dhigma kan golaha Shacabka ee baarlamaanka soomaaliya, ayna telefonadooda ugu soo dhici doonto iyagoo Baydhabo jooga bil walba.

Mursal iyo Fahad Yasin ayaa xildhibaannada ku adkeeyey inay u codeeyan musharaxa dawladda ayna kala doortaan lacag ama go’doon, waxaana xildhibaanada loo qaybiyey lacag lagu sheegay biyo cabaal oo cadadkeedu ahaa 5000 doollar.

Doorashada ayaa waxaa ka hartay labo todobaad kaliya iyadoo dhacaysa 17 nov 2018ka.

Haddaba, shacabka reer Koonfur Galbeed ma u qalantaa in la yihiihdo hadaydaan dooran wiil, (Cabdiasis Xassan Lafta Gareen), Farmaajo eedadii dhashay waa la idin go’doomin doona, meedaysa xuquuqdoodii muwaadinimo.

Arrrintani miyeysan sabab u noqon karin inay dheerayso dib u soocelinta dawladnimada Soomaaliya, haddii sidaas awoodii dawqladnimo sidaas loogu takri falayo.

Miyeysan Qabyaalad qaawan iyo musuqmaasuq baahsan in s dawladda Farmaajo ka koobnaato mid gabari dhashay iyo mid gabar qaba.

W/Q: Cali Jaamac 


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin