Xaaskaaga dhaqaaleyso

0

Akhristow, si kasta oo ay Qalad u gasho Xaaskaaga Gacan ha u Qaadin, hana ku Qeylin, hana Caayin, Ogoow waa qeyb ka mid ah Noloshaada, waa Ubadkaaga Hooyadood, Waa Bini’aadan wey Qaldami kartaa, ma aha inaad Qaladkeeda ku Ciqaabtid, Xaqna uma lihid inaad Sharafteeda iyo Karaamadeeda ku tumatid, Ogoow Xaq waad ku leedahay, iyadana wey kugu leedahay, Qof kastana waxaa Waajib ku ah inuu Xaqiisa u guto siduu Allaah faray.

Waxaa aad u badan Ragga aan Fahamsaneyn sida Reer loo Dhaqdo, oo Aminsan mar hadduu Naagta soo Guursado iney ku jirto Cagahiisa hoostooda ama ugula Dhaqmo sidii Addoon uu isaga soo iibsaday, kaasi waxaan dhihi karaa waa Diin laawe, sababtoo ah Nabiga CSW, Dariiqiisa ayuu ka leexday, maxaa yeelay Nabiga CSW, Xaasaskiisa aad ayuu u Qaddarin jiray, wuxuuna Dareensii jiray iney tahay Qeyb ka mid ah Noloshooda.

Fadlan, haddeey Qalad gasho si Deggenaan wax ugu sheeg, una Fahamsii Qaladkeeda marka aad wada Hadleysaana, kuwada hadla meel Asturan oo aan Ubadkiina ama Dad kale
Idinka arkeynin, Arimihiina si deggan u Xaliya.

Teeda kale, Ogoow Owlaada saameyn weyn ayey ku yeelataa Arrintaasi, waana Qalad inuu Ninku Caruurta Hortooda uu ku Canaanto Hooyadood. Waxaa Xaqiiqa ah inuu Ubadka ku dhacaayo Qalbi jab, sababtoo ah Aabaha waxey ka jecel yihiin Hooyada, sidaas darteed haddeey Arkaan Hooyadooda oo Hortooda lagu Xumeynaayo Ogoow meel ayaa Damqaneyso. (Fadlan, Ragoow ka Xishooda Xaasaskiina).

(ilaahoow Xaqa na Fahamsii, yaa Rabbi).

W/Q:- Macoow Ustaad.