Wiil Soomaaliyeed oo billad ka soo hooyay tartan maaratoon ah

0
Wiil Soomaaliyeed oo billad ka soo hooyay tartan maaratoon ah

Suweeto (SK)- Magaalada Suweeto ee dalka koonfur Afrika, oo shalay lagu qabtay tartanka cayaaraha maaratoonka kaas oo ay ka qeeyb galeen cayaartooy ka kala socotay daafaha dunida waxaana ka mid ahaa cabdikariin maxamed nuur oo ah wiil soomaaliyeed oo gabagabdii tartanka abaalmarin la gudoonsiiyay.

Waxa uu u tartamayay gobolka uu daganyahay oo lagu magacaabo liboombo kadib markii uu tartamo heer deegaan ah uu horay ugu soo qeeyb galay.

Tartankan oo lagu magacaabo Suweeto maaratoon ayaa waxa uu maxamed kaga qeeyb galayay qeeybta orodka oo ahayd 14 kilomitir.

Cabdikariin Maxamed Nuur oo ku guuleeytay billadda qallinka ah

Qeeybtii hore ee tartanka orodka, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay, balse nasiib darro dhulka lagu ordayay ayaa waxaa uu ahaa dhul buuraleey ah oo waxaa cabdikariim soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah , marka uma aysan sura galin in uu ka sii mid ahaado dadka hogaanka u hayo tartanka.

“Halkii kilo mitirba waxaan ku jaraynay 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi taas oo macneheedu yahay in aan ka mid ahaa 10-kii qof ee ugu horreeysay inta aanan dhaawacmin,” ayuu yiri cabdikariin maxamed mar uu qadka taleefonka ugu waramayay weriyaha BBC-da Faarax Lamaane.

“Dhaawaca markii uu isoo gaaray waxaa hoos u dhacay xawaarihii aan ku ordayay oo halkii 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi aan calaa kilo mitir ku oraday, waxay markii dambe isku bedeshay in aan halkii kilomitir ku ordo 4 daqiiqadood taas oo sababtay in dadkii dambe ay isoo gaaraan,” ayuu intaasi ku sii daray cabdikariin.

Cabdikariin Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah dadkii la tartamayay

Balse Cabdikariin oo aan joojin orodkii ayaa waxaa uu galay kaalinta 32-aad taas oo u saamaxday in uu ku guleeysto billadda qalinka ah. Waxaa xusid mudan in tartartanka ay ka qeeyb qaadanayeen ilaa 30 kun oo qof.

ISHA:BBC