Sawirro: Wasiirka gaashandhigga Itoobiya oo booqasho rasmi ah ku tagtey Jabuuti

0
Wasiirka gaashandhigga Jabuuti Cali Bahdoon oo billad sharraf guddoonsiiyay dhiggiisa dalka Itoobiya Caa'isha Maxamed oo maanta booqasho rasmi ah ku tagtey Jabuuti

Djibouti (SK)-Wasiirka gaashandhigga Itoobiya Engineer Caacisha Maxamed iyo wafdi ay hoggaamineyso, ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Jabuuti.

Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la yeelatay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, ra’iisal wasaare Cabdiqaadir Kaamil Maxamed wasiirka gaashandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, sida uu baahiyey talefishanka Jabuuti ee RTD.

Wasiirka difaaca Itoobiya ayaa markii ay la kulantay madaxweynaha Jabuuti waxa ay u sheegtay in ay salaan uga siddo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Wasiirka gaashandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo wasiirka gaashandhigga Itoobiya ayaa saxaafadda la hadlay waxaana ay sheegeen in madaxda labada wadan ay ka hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya.

Booqashada wasiirka difaaca Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo qowmiyadaha Canfarta dalka Itoobiya iyo Ciisaha Jabuuti ay isku heestaan dhul ku yaalla dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirka gaashandhigga Itoobiya ay tagto Jabuuti tan iyo markii xilkaas loo magacabay.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com