Waa Maxay Qurux?

0
Princess Qajar

Princess Qajar, waxa ay ahayd gabadha boqorkii xukumi jiray Persia (Iran) sanadii 1785, Naser al-Din Shah Qajar.

Waxay ahayd gabadha ugu quruxda badan Persia iyo astaaanta quruxda waqtigaas. Waxay lahayd hab muuqaal u gaar ah iyo shaarbo muuqda. Waxaa loolan ugu galay kumanaan rag, oo 13 ka mid ah ay is-dileen kadib markii ay diiday.

Princess Qajar, waxa ay astaan u tahay in quruxda aysan ahayn inaad u ekaato hab gaar ah ama dad kale isu ekeysiiso. Quruxda waa waxa aad qalbiga ka dareento. Kuma xirna dharka aad xiran tahay, ee waxay ku xiran tahay kalsoonida aad naftaada ku qabto iyo sida aad isu aragto.

Si kale haddaan u iraahdo quruxda waa ra’yi, ma jira tilmaam gaar ah oo ay quruxda leedahay. Qof walba waxaa u qurxoon wixii qalbigiisa uu jecel yahay.

W/Q: Axmed Cali Shiikh