Ujeedada wasiirka gaashandhigga Turkiga u tagey Muqdisho

0
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka gaashandhigga Turkiga ee maalintii labaad ku sugan Muqdisho

Nairobi (SK)-Magaalada Muqdisho, waxaa maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaanshandhigga waddanka Turkiga, Hulusi Akar.

Wafdiga wasiirka gaashandhigga oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidamada Turkiga, saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada Turkiga iyo madaxa hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.

Wafdigan ayaa tan iyo shaley kulamo la lahaa madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada xoogga, waxanaa inta badan kulamada looga hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya illaa inta laga gaarayo 2020-ka, markaasna la gaaro in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan guud ahaan waddanka maadama hadda dowladda aysana ka arrimin qaybo badan.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay aqalka madaxtooyada wasiirka gaashandhigga Turkiga, isagoo uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga noocan oo kale oo ka socda Turkiga, waxaa ay Soomaaliya yimaadeen sannadkii 1973-dii xilligaas oo dalka ay yimaadeen wafdi uu hoggaaminayo wasiirkii gaashandhigga waddanka Ruushka oo xilligaas loo yaqiin Midowga Soofiyeed, sida ay lee yihiin dadka ku xeeldheer arrimaha ciidamada.

Ruuska ayaa xilligaas ballan qaaday in uu dhiso ciidamada xoogga dalka isla markaana lagu wareejiyo.

Si kastaba dowlado badan ayaa Turkiga ka taageera arrimaha ciidamada Soomaaliya, balse Turkiga waxa uu uga duwan yahay waxa ay Muqdisho ka fureen xero weyn oo lagu tababbaro ciidamada xoogga dalka. Wasiirka gaashandhigga Turkiga inta uusan tagin Muqdisho waxa uu tagey waddamada Liibya iyo Suudaan.

Halkan ka daawo sawirrada