TOOS: Shirka Ururka Iskaashiga Islamaka oo goordhow ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (SK)- Magaalada Muqdisho, waxaa goordhow ka furmi doona shirka ururka iskaashiga Islaamka, waana markii ugu horreysay oo shirkan lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan wadooyinka caasimadda.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray 15 dal oo ku bahoobay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islamaka (OIC), oo ay 57 dowladood ku jiraan.

Wufuuddan ayaa ka qeyb gali dona kulan heer wasiiro ah.

Shirkan ayey Soomaaliya martigelineysaa, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii ka horeyay ee 44-aad iyo 45aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Madaxda ka socota waddamada Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Masar, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, Imaaraadka Carabta iyo Yemen iyo Soomaaliya oo martigelineysa.

Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aas-aasay 25-kii September sanadkii 1969-kii, waxaana xubno ka ah 57-Dal.

Gelinka horre, ee maanta waxaa shir gaar ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo badi kulma ka hor inta aan dhicin shirka guud ee Ururka.

Shirka ayaa ka furmi doona xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee AMISOM, waana goob aad loo adkeeyo.

Kullankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Halkan Hoose ka daawo shirka

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com