Thierry Henry oo loo magacaabay macallinka Monaco

0
Thierry Henry oo loo magacaabay macallinka Monaco

Paris (SK)-Xiddigii horre ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona Thierry Henry, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay macallinka kooxda kubadda cagta AS Monaco ee ka ciyaarta horyaalka Ligue 1-ka dalka France.

Kooxda Monaco ayaa xaqiijisay in Thierry Henry ay u magacowday macallinka kooxda, sida lagu sheegay war degdeg ah oo la soo dhigay dagalka SKSPorts News.

Henry ayaa Monaco usoo ciyaaray waqtigis dhallinyaranimada kahor inta uusan sannadii 2001 kubiirin kooxda uu tayadiisa ciyaareed kusoo bandhigay ee Arsenal.

Henry ayaa u ahaa tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez markaas oo xulka Red Devils ay gaareen Semi Finalka koobkii adduunka ee lagu soo idleeyay dal qaboobaha Russia.


Si kastaba, sida lagu baahiyaya bogga rasmiga ah ee AS Monaco kooxda reer France ayaa macallinkeeda cusub u magacaawday Thierry Henry kaas oo qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kusii joogayo tan iyo sannadda 2021.

Hennry ayaa baddeli doono tababare Leonardo Jardim kaas oo shaqada oo kooxda Monaco laga eryay todobbaadkii horre.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com