Taariikhda Fanaankii Yaasiin Axmed Digfeer.

0
Taariikhda Fanaankii Yaasiin Axmed Digfeer.

Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Bilawgii hore ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh.

Bilawgii sanadkii1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu halabuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta.

Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud.

Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray.
Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya.
Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay soo shaac saartay waxa ka mid ah ilaa afar heesood oo uu u dhiibay Abwaan Nuur Jiis oo madax ka ahaa Maxakamada Gobolka Hiiraan, heesahaas oo uu Abwaanku kaga cabanayey haweenay uu qabay. Heesahaas waxaa ka mid ah:
1. Heesta Sagal oo markii hore ahayd Sahra xaaji Xalwaay.
2. Saaxiib miyaan nahay, iyo heesta
3. Rugta saxada wacanee
Baladweyn salkeedaa
Rabbi kugu sameeyee
Sawjadii naftaydaay,
Sahraay waan ku sugayeey
Qisadan Abwaan Nuur oo bilaabmatay 1973 in muddo ahna socotay ayuu Abwaan Nuur Jiis waxa uu saluugay fariimahan uu dirayo iyo falcelinta ka imanaysa oo aanu midho dhal u arkin, waxaanay taasi sababtay in Abwaanku uu Buula-Xaawo ku xidhxidho qaar fannaaniin kooxda Horseed ka tirsan oo uu Digfeer-na ku jiro. Muddo ka dib Abwaan Nuur wuxuu u soo wareegay Muqdisho halkaasi ayay Digfeer wakhti ku sii wada qaateen, inkasta oo la sheego inaanay xilligaasi Haweenayda iyo Abwaan Nuur lamaane ahayn balse weli waxa aad u xooganaa jacaylkii uu u qabay.

Digfeer oo u sheekeeyey saaxiibkiisii rumaad ee Aadan Cabdi (Aadan Goobbe) oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Horseed oo anigana sidoo kale ii sii sheekeeyey, ayuu Digfeer ku yidhi “Mushkiladaha I haysta waxaa ka mid ah, in hees kasta oo aan qaado, dadku waxay leeyihiin waxay ku saabsantahay arintii Nuur iyo marwadiisa, aniga xattaa kuwa igu saabsan dadku waxay moodayaan uun in aan Nuur ka hadlaayo”. Balse dhinaca kale, Digfeer laftiisa waxa soo foodsaaray jacayl xooggan oo markii dambena uu u gardhiganayo xaaskiisii waana ka mid ah marka uu ku heesayo “Ma Markaad Gaajootaada, Garabba Maalin Dubataa” arrintaasi oo ku saabsanayd dood uu ka qabay qaab daranka qoyskiisa.

Isla Ayaamihii fanka ee Digfeer, Habeen ku jiray sannadkii1981 iyada oo Muqdisho la joogo waxa goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Hoboladii Horseed ugu yimi nin dhallinyaro ah oo ka soo safray Galgaduud, Badhtamaha Soomaaliya, ninkan wuxuu ka cabanayey gabadh ku ballan furtay oo ay jacayl wadaag ahaayen isla markaana barbaarta facooda ahi ay isku ogaayeen. Ninkii markuu sheekeeyey wuxuu xusay in gabadhaasi ay nin kale ka raacayso oo markaasi isaga ka dhaqaale roon. Abwaan Aadan Cabdi Axmed (Aadan Garaash) oo dadka badankoodu ku garan karaan gabaygii ‘Toosi Luquntaada’ ayaa u alifay heesta Burji iyo Nasiiblaay oo ay ereyadeeda ka midyihiin:
• Waxaan baaq u dirayaa
• Tacsi ugu bun dubayaa
• Jacaylkeeni barigii
• Barbaartii wax ka ogayd
• Ee Gelinsoor bankiisiyo
• Baadiyihiisa laga helo
• Beel guba inaad tahay
• Iyo beeni raad ma leh!
• Na dhex marin bariidadu
• Ilayn waan is baranee!

Heestii ayuu Digfeer qaaday, waxaa laxanka wada saaray C/qaadir Leyloon, Aadan Goobbe iyo Yaasiin Axmed Digfeer oo dhammaan ka wada tirsanaa kooxda Horseed. Heestan mar dambe isna waxa qaaday C/qaadir Jubba.

Mar kale 1982, Digfeer iyo kooxdiisii Horseed oo Hargeysa geeyey riwaayaddii ‘Wakhti Iyo Waalli Jacayl’ oo uu alifay Abwaan Bashiir Salaad, wuxuu ka warhelay inay Hargeysa timi xaaskiisii oo uu sidoo kale uu ka dhexeeyo jacayl xooggani balse khilaaf ku kala maqnaa .

Digfeer wuxuu codsaday in la fasaxo isaga oo sheeganaya inuu xanuusanayo balse waxa ka diiday taliyihii kooxda inkasta oo ay fasaxeen dhammaan hoboladii kale duwanaa ee ku jiray Horseed safarkana ka mid ahaa. Digfeer oo cabiraya fasaxa loo diiday, isaga oo la hadlaaya taliyihiisii, wuxuu ku heesay ‘Anna waa lay sitaa , Adna waa kuu subax wanaagsan, Wakhtiguse mooyi si uu noqon’.

Digfeer, heeso badan ayuu noloshiisa ku cabiray waxaana ka mid ahayd heesta ‘Haddii Geel La Kala Dhaco’ oo uu kaga hadlaayey mar uu gabadh uu calmaday weydiistay qoyskooda balse hayb ahaan loogu diiday. Wuxuu si farshaxannimo leh ugu doodayaa in haddii dadka dhib kasta dhexmarto in laga wada xaajoodo oo arrinta gar lagu dhammeeyo, balse isaga tiisa gef laga galay haddiiba loo diiday inuu ka gardhigto gabadha uu caashaqay ee loo diiday.

Xiliyadaasi Fanka Soomaaliyeed, muddo dhawr sanno ahba gudahooda waxa la samayn jiray qiimayn ku saabsan tayadiisa, waxaana qiimayntaasi samayn jirayn uun fannaaniinta dhexooda. Sannadkii 1983 waxa la abaabulay qiimayn ku saabsan fannaanka ugu wacan heesaha calaacalka ah (Cataw) luuq ahaan iyo laxan ahaanba, labadiiba waxa lagu maamuusay Yaasiin Axmed Digfeer.

Mar kale sannadkii 1983 debaal-deg aroos oo loo samaynayey Col. Axmed Cumar Jees isla markaana uu hab-maamuuskeeda lahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad oo si gaar ah ay saaxiib u ahaayeen walaalkii Maxamed Cumar Jees, waxa la isugu yeedhay intii u mudnayd shantii kooxood ee Waaberi, Onkod, Halgan , Heegan iyo Horseed. Xafladdii waxa furay Aabihii fanka Soomaalida, C/laahi Maxamed Maxamuud (Qarshe) oo qaaday heestii ‘Dhalintii Waddankaan Nahay’ ka dibna, safbaa la mariyey qof kastaana wuxuu qaadayey hees kabankana wuu dhiibayey, waxaana goobta yaallay ilaa afar kaban oo la soo xulay. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii ‘Kaalay Kaalay Kol Ii Imo’, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo, sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday.

Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud (Saambo/Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed.

Markii ay soo baxeen heesaha ku jiray riwaayaddii ‘Dab Jacayl Kari Waa’ sanadkii 1974 ee Abwaan Xasan Ganey ee aadka loola dhacay laxamadii uu heesahaasi saaray Axmed Nuur Jaangoo, ka dib Jaangoo wuxuu noqday nin aad loogu tixgeliyo laxan samaynta, balse waxaa xusid mudan Jaangoo laxan muu samayn jirin Digfeer oo la jooga ixtiraam aawadeed.

Burburkii Soomaaliya ka dib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Digfeer waxa uu magaalada Hargeysa ku geeriyooday sanadkii 2002-dii.

Alle ha u naxariisto

W/Q: Cumar Cali Xasan – Seerbiya

Muqdisho, Soomaaliya