Soomaaliya oo ka qeybgashay tartanka dadka lixaadkoodu dhiman yahay

0
Tartanka Isiolo ee dadka lixaadkoodu dhiman yahay

Tartankan oo sannad kasta lagu qabto magaalada Isiolo ee waqooyiga Kenya, ayey dadka ugu badan ee ka qayb gala waxay ka soo jeedaan qowmiyadaha xoolo dhaqatada ah.

Kaalinta 1aad ee tartanka ragga ee 24ka KM waxaa sannadkan qaaday nin ka soo jeeda xoolo dhaqatada deegaanka Narok, halka kaalinta 1aad ee dumarkana ay ku guulaysatay gabar ka soo jeedda Nairobi.

Lacag u dhiganta 1000 Doollar ayuu kiiba ku guulaystay.

Siyaabo kala duwan ayey dadkaasi lixaadkooda u beeleen.

Tusaale ahaan, gabadha kaalinta 1aad gashay waxay lugteeda ku weyday colaadihii dalka Kenya ka dhacay wixii ka dambeeyey doorashooyinkii 2007 ee dhaliyey in ay dhacaan dagaallo ay ku naf waayeen ilaa 1,500 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Tartanka
Image captionKa qaybgalayaasha Tartanka
Mid ka mid ah dadkii tartamayey
Mid ka mid ah dadkii tartamayey

 

Kuraasta loogu tala galay dadka curyaamiinta ah ayey dadkaasi ku fadhiyeen, waxayna riixayeen oo wareejiynayeen badeelka loogu talay inuu taayarka hore wareejiyo si uu u dhaqaaqo kursiga oo leh seddex lugood.

Kaalimaha 2aad dadka galay ayaa ku guulaystay 750 Doollar, halka kaalimaha 3aadna ay heleen 500 oo Doollar.

Tartankan ayaa waxaa xiiso u yeelay ayadoo ay dadka ka qayb galaya isaga yimaadaan Kenya oo dhan, kuna ordaan wadooyinka Isiolo 24 KM.

Shirkii Afrika ee sannadkii 2016 ayaa looga hadlay dhibaatooyinka haysta naadafada qaaraddan, kaas oo ka dhacay Nigeria, waxaana lagu sheegay in Kenya ay kaalinta hore kaga jirto dhaqan gelinta siyaasadaha looga gol-leeyahay sare u qaadidda nolosha dadka naadafada ah.

XIGGASHO: BBC