Soomaali baan ahay: War yaynaan marin jidka ay mareen ilmo Abaa Jifaar!

0

Beryahan halgan cusub oo dhanka idologiyada ama fakirka ku aadan himilada Soomaalinimada ayaa inagu soo korodhay. Laba falsafadood ama fakir ayaa is barbara socda. Midda hore waa mid sariigaysa Soomaalinimad. Tan labaadna waa mid ku dhagan asalkii fakarkii Soomaalinimada ee sooyaalka ahaa.

Aan yar falanqeeyo labadan fikradood iyo horsed cida u ah. Balse aan ku horeeya hordhac ahaan Itoobiyada kale.

Mudo dheer wax Soomaalinimada sariigsan sal u ahaa fakir ka yimid Imberiyaalada Itoobiya oo la fac ah xukuumadii Boqor Menilik. Inta la ogyahay taariikhda casriga ah ee Itoobiya, waxa horumood ka ah dhulbalaadhsiga iyo dhismaha imberiyaalda madow ee ka ambaqaaday Geeska Africa waxa curiyey Ase Menilik. Laba siyaabood ayuu Menelik Imberiyaaliyada Itoobiya ku fidiyay dhul aan ka mid ahayn asalkii Abasiiniya.

Habka hore waa nidaamka la yidhaa fuydaal (feudal). Dhulbalaadhsiga fuyudaalku waa marka boqotooyo jar kula ahi ay kugu soo faafto isla markaana ku qabsato.

Qabsashadaasi waxa marka mudo laga joogo ku soo biira dhaqan dooris, diinta oo xooga lagaaga badalo, dhulkaaga oo la lawareego, dumarkaaga oo si sharci daro ah la xereysto, waxa beerta kaaga goga oo laaga qaato boqolkiiba 80 iyo in ka badan. Magacda asalkaaga oo lagaa badalo.

Arintani waxay ku dhacday Kambata, Hadiya, Oromo, Guraage, iyo qowmiyado badan oo Itobiya hada ka tirsan. Qaramadaasi manta ubucda Itoobiya ayey ku jiraan si aan xad lahayna waa loo badalay. Matalan soo qaado rerka uu ka soo jeedo Prime Minister Abiy.

Boqol iyo kenton sano ka hor, Jimma oo ah gobolka uu ka soo jeedo waxa xukumi jiray Amiiro Muslimiin ah oo Oromo ah oo la odhan jiray Rer-Aba Jifaar. Boqolkiiba boqol Muslimiin ayay ahaayeen. Aba Jifaar oo Jimaa xukumi jirayna intaan la guumaaysan waxa uu xidhiidh la lahaa Boqoroadii Bariga dhexe.

PM Abiy waxa is ka dhalay haweynay Amxaar oo Kristan ah iyo Aabo Muslin ah. Hooyadiis waxay ku ababisay diinta Amxaartu u badan tahay ee Qibdi ah. Markuu qaan gaadhanyna waxa uu ku biiray Madhabad cusub oo Maraykanka ka timid oo la yidhaa Pentacostal, Caruurtiisu maants in yar oo Ormonima ah inta ka baxsan, wax ala wixii Islaanimo ahaa war iyo wacal ka ma hayaan.

Boqor Minilik Oromo iyo kuwo kale xoog iyo xabad ayuu ku qabsaday. Boqor Xayle Selaasi oo mudo dheer boqor ahaana waa xabashiyeey isaga oo keenay fakirka la yidhaa Ethiopian Nation ama Qaranimada Itoobiya. Waxa fakir kaa looga dan lahaa in la duugo qaranimada qowmiyadaha la qabsaday.

Mangistuna, isaga oo hantiwadaag isticmaalaya, ayuu daciifiyey diintii iyo dhaqamadaa u gaarka ahaa qowmiyadaha. Waxa la yidhaa Kinat oo midaynaya dhaantooyinka kala duwan ayuu inagu soo biiriyey, oo manta muusigada Itoobiya inta ugu badan laxankoodu wuu is-shabahaa.

Nidaamka Itoobiya ku qabsatay qoomiyada Soomaalida wuu ka duwanyahay kan aan kor ku soo sheegnay. Waxa kan Soomaalida la yidhaa colonial conquest. Waa nidaam la mid ah kan rer-Yurubka Afrikada kale ku qabsadeen. Waan ognahay in Itoobiya ay qayb ka ahayd Barlin Conference oo rer-Yurubku Soomaali ku qaybiyeen. Intaas Itobiya kaga ma hadhine ill a1954, dhulka Soomaalida waxay la qaybsanaysan rer-Yurubka Soomaali ku durdurinaayey.

Wax-garadka xalaasha ah ee dhalinta Itoobiya arintan lixdameeyihii way ka munaaqashoodeen. Waxa la isku afgartan ka dib markii cilmi bulsheedka iyo taariikhda Soomaalida la qaadaadaa dhigay in Soomaalida lagu gumeystay nidaamka layidhaa colonial conquest, ama nidaam gumeysj oon ka duwanayn kan rer Yurubku Afrika keeneen

Ras Mekonen iyo Boqor Xayle may joojin sariiga Soomaalida. Markii uu Sayidku jabay fariin ayaa loo diran (1921) oo lagu yidhii kaalay Itoobiya oo Amir ka noqo gobolka Harar. Wuu diiday. Xayle Selaasi1950hii waxa uu deegaanka Soomaalida keenay nidaam wax barasho oo caruurta iyagoo yaryar deegaanka laga qaado dugsiyo boordhin ah oo Ardisababa ku yaal la geeyo.

Waxa intaa ku xigay in 1970hii dhibow badan laga qoray magaalada Jigjiga iyo agagaarkeeda. Waa xiligii ugu horeeyey ee la arkay Soomaali daafi cunaysa. Fac dhalinyara ah oo dhaqankii Amxaarada qaadatay ayaa lagu arkay Dhirdhabe, Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar. Tiradooduse wey yaraad. Waxa arintaan ka soo gaadhay kacdoonkii 1974 oo fakirka qowmiyadaha soo yar noo leeyey iyo dagaalkii 1977 (WSLF iyo Soomaaliya u dhanaayeen).

Waxa sii xoogan sariiga ama kala furfurka Soomaalinimadu u amba-qaaday xiligii Meles. Been ayey Soomaalidu aamintay oo ah in ay xuquuqdooda heleen. Af xabashiga oo intii hore oo dhan laga faani jiray ayaa xiligan in lagu faano dhacday. Sidii Oromoda iyo qowmiyadaha kale ayaa dhalintii Soomaalida waxa barasho loo diray gobolo kale.
Xiligii TPLF wadanks qabsatay kuwii raacsanaa iyo kuwii ka soo horjeedabay waxaad moodaa in aay qaateen fakir ah Soomaali baan ahay isir ahaan, laakiin Itoobiyaan baan ahay jinsiyad ahaan.

Fakirkaas waxa ku kulma dad badan oo kale fakir duwan. Matalan Cabdi Muxumed Cumar oo ah MW hore iyo Mustafe Cagjar oo ah MW hada labaduba waxay aaminsanyihiin sariiga Soomaalinimada oo ah “isir ahaan Soomaali ayaan u dhalanay, laakiin dad Itoobiyaan ah ayaanu nahay.” Waa fakir maalinta dhow la isku afgaranwaayey Jaamacada Jigjiga.

Xili aan fogayn MW Mustafa waxa uu sheegan in aanu khillaf ku arkayn in uu yahay nin Soomaali u dhashay isla markaana ah wadani Itoobiyaan ah.”

Waxaa xusid mudan in la kala saaro shaqsiga iyo qaranka himiladiisa; midna waa shaqsi midna waa qaranimo halgan dheer loo soo galay. Shaqsiku xaq ayuu u leeyahay in uu jinsiyad qaato. In uu yidhaahdo Itoobiyaan baan ahay isagay u taal. Laakiin bulshadu waxay hiigstaaa qaranimo ku dhisan taariikh, halgan, dhaqan, iyo himilo.

Illaa inta Soomaalidu aayaheeda meel dhigayso, shaqsi fakirkiisu xataa haduu higlalay dajinayo Amxaro iyo Oromo ama baadariyeen waa arin shaqsigaas u taala; inta badan shaqsiga noocssana waxa xukuma himilo xukun raadis iyo awood siyaasadeen.

Intaas waxa dheer shaqsiyaad mararka qaarkood sheegta qowmiyadu kale kama turjumi karaan aayaha iyo himilada gaamurtay ee umadda Soomaaliyeed. Taas aayo ka talis ayaa la yidhaa, xiligeedana waa la gaadhidoonaa.

Kuwa sariigaya Soomaalinimada mudo dheer ayaa Itobiya soo ababinaysay. Inta badan kumanay guulaysan. Hadase waxaa ku jirnaa xili kala guur ah waana in guntiga la adkaystaa.

Aba Jiifarkii Jima iyo Sayid Maxamed

W/Q: Feysal Rooble oo ka tirsan dowladda hoose ee Los Angeles kana faalooda arrimaha geeska Afrika