Sidee lagu ogaadaa ninka sida dhabta ah kuu jecel?

0

Ninka ku jecel sida lagu Ogaado run ahaantii wey Fara badan yihiin, balse waxaa jira Astaamo aasaas u ah in lagu Ogaado Ninka kuu jecel si Dhab ah iyo midka kale ee aan jaceylkiisu dhaafsiisneyn Afka keliya, Haddaba Ninka sida Dhabta kuu jecel Astaamahaan ayaad ku Arki doontaa Ogoow:-

1- Waqti kugu filan ayuu ku siiyaa, xitaa haddii uu aad u Mashquulsan yahay. Waayo, Qof si dhab ah loo jecel yahay lagama Mashquulo duruuf kastoo lagu jiro.

2- Shukaansigiisu horey u socod ayuu leeyahay ee Habeen kasta meeshii Xalay ma taagna.

3. Hadallada uu kuu Adeegsanayo waa kuwa ay ku Dheehan yihiin Anshax iyo Asluub, si uu u ilaaliyo Sharaftaada iyo.

4- Marka uu kuu Sheekeynaayo Hadalladiisa wey xadidan yihiin oo kama heleysid Been, Kala-hadlid iyo Faan.

5- Markii aad isku Dhacdaan wuu ku Dejiyaa, xitaa hadii aad adigu Qaladka laheyd.

6- Kama Dhergo Sheekadaada, Waqtigana Xisaabin maayo, mana Dareemaayo Caajis iwm. mar kastana wuxuu is leeyahay: Mey wax yar kula sii joogto.

7- Arrin kasta oo uu kaa Codsado, haddii aad ka Cago jiiddo kuguma Cadaadinaayo, waayo waxaa intaas ugala weyn jecelka uu kuu qabo.

8- Farxaddiisa wuxuu ka hor mariyaa taada, waayo Adiga Farxaddaada ayaa ugala qiimo badan tiisa.

9- Wax kasta oo aad jeceshahay ayuu kula jecel yahay, maxaa yeelay Qalbigiisa Dhankaaga ayuu u soo janjeeraa.

10- Farxadda iyo Murugadaba waa midka kula qeybsada, waana mid mar kastaba Wanaag kuula garab taagan.

W/Q:- Macoow Ustaad.