Sidee kalsooni looga keeni karaa qofka aad jeceshahay?

0

Nairobi (SK)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Soomaalikabe, waxa aan lee nahay maalin/galab iyo habeenwanaagsan.

Akhriste waxaan Shaki ku jirin Haddii aad sameyso Qodobadan hoos ku Xusan, inaad ku Guuleysan Doonto Hadafkaaga, taasi oo aad Kalsooni buuxda kaga Kasban kartid Qalbiga Qofka aad jeceshahay, Qodobadaasi oo kala ah:-

SAMIRKA BADI:- Samirku wuxuu kaa Saacidaa inaad Hesho waxkasta oo aad ku Hamineysid, ee ahoow Qof mar walba Dulqaadka la Saaxiib ah.

BADI XIRIIRKA:- Ku dadaal inaad badiso Xiriirka aad la leedahay Qofka aad jeceshahay, waayo Xiriirku wuxuu Wanaajiyay Kalsoonida Labada Ruux is jecel.

MUUJI DAREENKAAGA:- Haddii aad isku Daydo inaad muujiso Dareenka jaceylkaaga, Ogoow waxaa imaaneysa Aaminaad, Fadlan isku day inaad Waqti Fahamsiiso jaceylkaaga Heerka uu gaarsiisan yahay Dareenkaaga Kalcal ee aad u qatid Dhankiisa ama Dhankeeda.

XANAAQA YAREE:- Waxaa hubaal ah in Hadaad yareyso Xanaaqa wax walba wey hagaagayaan, maxaa yeelay Xanaaqaagu hadduu bato Ogoow Qofka aad jeceshahay Kalsoonidu wey ku yaraaneysaa dhankiisa, waayo Ruux Xanaaq badan Nolol lalama qeybsan karo.

U FUR CALOOSHAADA:- Haddii aad u Furtid Calooshaada oo aad Waxba ka Qarsan, isla markaasna u Sir baxdo, Qofka aad jeceshahay waa hubaal iney Qalbigiisu uu ku Beermaayo Kalsooni oo isna sidaasi oo kale kugu Aminaayo Sirtiisa.

ISKA ILOOW WIXII HORE:- Haddii uu hore Dhexdiina Isfahmi waa uu ka jiray oo aad isla Xaliseen waxaa wacan inaad horey uuga sii socotaa oo aydaan Dublin uuga Gacan ina, waayo Mushkiladdii ayey dib uuga soo Cusbooneysiin kartaa.

LA IMOOW RAALI GELIN:- Noqo mid Qaladka ka dhaca durbadiiba ka soo laabta, isla markaasna ka Raali geli Qofka aad jeceshahay, si uu Qalbigiisu Raali kaaga ahaado.

W/Q:- Macoow Ustaad.