Shariif Xasan oo ka dhoofay Baydhabo iyo shirar ka socda magaaladaasi

0
Shariif Xasan oo ka dhoofay Baydhabo

Baydhabo (SK)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in madaxweynihii horre ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu maanta ka dhoofay magaaladaas, isagoo u duulay magaalada Nairobi ee xarrunta waddanka Kenya.

Shariif Xasan ayaa shaley ku dhawaaqay in uu iscasilay isla markaana uu ka tanaasulay doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu magaalada Nairobi ku nasto, maadama uu afar sanno soo hoggaaminayey maamulka Koonfur Galbeed.

Si wayn ayaa loo dhaweeyay Shariif Xasan markii uu maanta ka duulayey garoonka diyaaradaha ee Shaati-guud ee magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan oo ka dhoofay Baydhabo

Shirka ka socda Baydhabo