Shaley waa Sweden maantana waa Canada!

0
Madaxweynaha Soomaaliya iyo boqorka Sucuudiga oo ku kulmay Riyadh

Sida lagu daabacay boga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku leedahay Twittirka, Soomaaliya waxay la safatay Sucuudiga khilaafkiisa kala dhexeeya Canada , Waxaa la yaab leh , in haddii shalay MW Xassan Shiikh uu la saftay Sucuudiga oo uu Sweden oo kumanaan qaxooti Soomaali ah siisay dhalasho, waxbarasho iyo shaqo xitaa ka xishoon waayay, maantana waa kan MW Farmaajo ka xishoon waayay Canada oo markii ay isqabteen Sucuudiga sidii inaan nahay gobol Sucuudiga hoostaga ku digrinaya waxaan garab taaganahay Sucuudiga , iskana ilaaway abaalka Canada ay Soomaali ku leedahay ee ah aqbalidda kumanaan qaxooti Soomaali ah oo helay dhalasho, shaqo iyo tacliin, haddana ku yeeshay dalka matalaad siyaasadeed .

Maxaa u diiday dawladda Soomaaliya in aanay galin afaare ka wayn oo ku dhex lumin dawlado bariba ka heshiinaya khilaafkooda? Miyaanay dareen xishood ku jirin?

Siyaasadda Soomaaliya waxay isugu biya qaraabsi iyo hadba geed isku waab.

W/Q: Saliim Saciid Saalim


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin