Shacabka Muqdisho ma Shinnibaa?

0

Shinnida.

Shinnidu waa noole wax soo saar badan oo weliba aan ka daalin wax soo saarkeeda, waxaa jecel dhammaan inta nool oo dhan, dad iyo dugaagba.
Shinnidu waxay soo saarta malabka waxayna ka sameysaa ubaxa iyo manka geedaha kala duwan, Shinnidaasi waxay qabtaa saddex dhibaato.

1. Wax soo saarkeeda inta badan ma calfato ee dad kale ayaa u aaya oo dheefsada iyaduna ka qadaa.

2. Waxay u dhimataa malabkeeda awgeed oo mararka qaarkood inta weerar lagu qaado dadkuna dab ayay ku shidaan,dugaaguna degelkeeda ayuu burburshaa.

3. Ma jirto cid ku nabadgelisa ama uga mahadcelisa malabka macaan ee ay soo saartey, waabase lagu colaadiyaa.

Shacabka Muqdisho.

Shacabka Muqdisho waa dad wax soo saar badan oo aan odhan karno waa dadka ugu ganacsiga iyo shaqada badan soomaalida kale.

Sida shinida ayay shacabka Muqdisho qabaan saddex dhibaato.

1. Wax soo saarkooda dhaqaale iyo cashuurta laga qaaddo ganacsigooda iyo xoogooda ma dheefsadaan oo dib uma arkaan waxaa quuta oo qaata dad aan una dhibtoon una soo dhididin.

2. Waxaa loogu daraa dil, dhac, boob, musuqmaasuq iyo weliba awood sheegasho, waxaa lagu dilaa dhaqaalahooda, waxaana loo dibindaabyeeya waxtarkooda awgiis.

3. Ma jirto cid uga mahadcelisa ama abaal uga haysa waxaaba loogu daraa afla gaado iyo weliba tixgelin la’aan.

Ma jiro gobol Soomaaliyeed oo bixiya bil walba cashuur ka badan 30 Milyan haddana ka qatan oo ka qaawan, dadka reer Muqdisho ee cashuur bixiyaha ah, Ubadkoodu ma helaan, Dugsi waxbarasho, Daryeel caafimaad, Degani iyo nabad.

Iney helaan iska daaye waxaa loogu beddelay, Dil, xadhig, duudsi iyo weliba darxumo.

Waxaa qof walba la tanaagooda dalku waa Federaal, Hadduu nidaamka iyo maamulku yahay Federaal, maxaa diidaya in dhaqaaluhu noqdo Federaal nin welibana kistiisa isku tashado.

Xildhibaan walba iyo wasiir walba haddaanu deegaankiisa dhaqaale kala imaneyn oo cashuur celis ka keenayn, yaa u xalaaleeyey in dekadda, Airporka, Suuqyada iyo xoogsatada Muqdisho Cashuurtooda keliya lagu noolaado.

Baraarug la’aanta shacabka Muqdisho iyo Boobka qawlaysatada gobollada kale ilaa goorma ayuu socon karaa?

Ma jiraa bulsho Soomaaliyeed oo dhibka reer Muqdisho maanta ay qabaan la wadaaga?

Jawaabtu waa xagiina.

Muqdisho waa caasimad kuma xalaaloobayso hantida shacabkeeda ee habeen iyo maalin walba la boobayo laguna guhaadinayo, Jidadka looga xirayo, xabbadana lala dhacayo.
Caasimad walba cashuurteeda ayaa lagu horumariyaa, Caasimad walba wax leedahay mudnaanteeda iyo weliba gaar u eegideeda dhinac walba.

Shacabka Muqdisho ama Shinni inay ahaadaan bay ku joogi ama iney shax siyaasadeed la yimaadaan.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin