Sawirro: Wasiirka gaashandhigga Turkiga oo ka dhoofay Muqdisho

0
Defense Minister Akar visits Turkish Task Force Command in Somalia

Muqdisho (SK)-Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka gaashandhigga dalka Turkiga, Ulusi Akar ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cadde, kaddib markii ay u dhamaatay booqasho labo maalin ah qaadatay oo ay ku joogeen Muqdisho.

Wafdiga waxaa sii sagootiyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga.

Wasiirka gaashandhigga Turkiga, ka hor inta uusan ka dhoofin Muqdisho, waxaa isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay si wada jir ah xarriga ugua jareen qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarrunta Tababarada Turki Som ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa heshiis ku kala saxiixday xarrunta ciidamada Turkiga ee Muqdisho,

Halkan Hoose ka daawo sawirrada wafdiga wasiirka oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho,Xuquuqda sawirrada waxaa leh Weriye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh