Sawirro: Liverpool oo ku durdurisay Arsenal

0
Firmino midig iyo Saalax bidix |Lahaanshaha sawirka Liverpool|

London (SK)-Liverpool ayaa si fiican ugu tumatay kooxda Arsenal, kaddib markii 5 – 1 uga badisay kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska Premier League.

Arsenal iyada ayaa ku hormartay goolka oo waxaa daqiiqadii 11-aad u dhaliyay
Ainsley Maitland-Niles, balse shan gool ayaa loogu baddelay.

Goolka ay dhaliyay Arsenal waxa ay ka dhaxashay in shan gool loogu baddelo, cayaaryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa xaley si weyn uga dhex muuqday cayaarta, waxana uu dhaliyay seddax gool.

Firmino waxa uu dhaliyay 43 gool horyaalka Ingriiska, sida kooxda Liverpool ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka.

https://platform.twitter.com/widgets.js
Xiddigaha reer Masar iyo Senegal ee Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa dhaliyay min hal gool.

Liverpool waxa ay sii adkeesatay dhibcaha ay hoggaanka horyaalka ku heyso, waxaana ay hadda lee dahay 54 dhibcood, kooxda ku soo xigta waa Tottenham Hotspur oo leh 45 dhibcood.

_SOOMAALIKABE_