Sawirro: Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Kenya oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka

0
Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Kenya oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka

Muqdisho (SK)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Arbaca ah warqadaha danjiranimo ka guddoomiyaha danjiraha cusub ee Soomaaliya u soo magacowday Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan ayaa ka mid ahaa 17 danjirayaal oo loo magacaabay danjirayaasha waddamada u fadhin doona Kenya, sida uu ku sheegay madaxweyne Kenyatta qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Kenyatta ayaa sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono xiriirka uu la sameenayo waddamada caalamka si looga xoojiyo xiriirka dalkiisa uu la lee yahay caalamka.


Dhinaca kale, danjiraha cusub ee Soomaaliya ee u fadhinaya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka kadib 20 bilood oo safaaradda safiir la’aan ahayd.

Qunsulka guud ee Safaaradda Cali Maxamed Shiikh (Cali Bagadi) ayaa danjiraha cusub ku wareejiyay xilka, isaga oo kala tusay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay safaaradda.

Sidoo kale, danjire Tarsal ayaa la kulmay shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Tarsan ayaa markii xilka uu la wareegay, sheegay in waxa ugu horreeya ee uu qaban doono ay tahay sidii uu dib u dayactiri lahaa dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya, isagoo intaas hadalkiisa ku daray in arrintaas ay kula soo dardaarmeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa horrey usoo noqday duqa caasimadda Muqdisho, waxaa kale oo waa yahan uu ka mid ahaa la taliyayaasha dhinaca siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo.

Halkan Hoose ka daawo sawirrada

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com