Sawirro: Cayaartoy Soomaali ah oo ka yimid Australia oo soo gaaray Muqdisho

0
Cayaartoy Soomaali ah oo ka yimid Australia oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (SK)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta Arbaca ah soo gaaray cayaartoy ka timid waddanka Australia, kuwaasoo cayaaro saaxibtinimo cayaari doona magaalada Muqdisho.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, Khadiijo Maxamed Diiriye, Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha ciidamada asluubta Bashiir Goobe ayaa soo dhaweeyay cayaartoyda iyo macallimiintooda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo cayaartoy Soomaali ah oo ka timid dibadda ay Muqdisho u yimaadaan cayaaro saaxibtinimo.

Cayaartoydan ayaa inta ay joogaan Muqdisho, waxa ay cayaaro saaxibtinimo la yeelan doonaan kooxaha ka dhisan Muqdisho.

Halkan Hoose ka daawo sawirrada

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com