Sawirro: Banaadir oo ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud

0
Banaadir oo ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud |Lahaanshaha sawirka Goolfm|

Muqdisho (SK)-Kooxda Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka koobabka ee Jeneraal Daa’uud,kaddib markii ay gool ku laad uga badiyeen Kooxda Horseed.

Banaadir ayaa ku badisay 4-3 gool ku laad.

Labada koox ayaa waqtigii loogu talagalay ku kala baxay 1-1, waxaana qeybtii horre goolka ku hormaray koxda Horseed waxaana goolka u dhaliyay Ajiga Ise.

Qeybtii horre ayaa sidaas lagu kala nastay, waxanaa markii dib la isugu soo laabtay, waxaa kooxda Banaadir u suuragashay in ay dhaliyaan goolkii barbardhaca, waxaana u dhaliyay Ciise Cabdiqaadir.

Banaadir oo ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud |Lahaanshaha sawirka Goolfm|
Banaadir oo ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud |Lahaanshaha sawirka Goolfm|

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com