Salaad Darbi: “Walaahi maanta maalintii aan dhashay oo kale ayey ii tahay maadama imid Muqdisho”

0
Lahaanshaha sawirka Ismael Mukhtar Omar

Muqdisho (SK)-Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi) ayaa maanta Muqdisho ku soo laabtay, kaddib markii muddo sannadooyin ah uu ku maqnaa.

Fannaanka ayaa soo dhaween loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay abwaanno, fannaaniin iyo dad weyne kale fannaanka garanaya.

Maxamed Xasan Barrow, oo ah agaasimaha hoballada Waaberi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in fanaanka uu ku soo laabto waddankiisa.

Abwaan Saciid Maxamed Cali (Xarawo) oo ka mid ahaa abwaanada soo dhaweeyay ayaa sheegay in Salaad Darbi uu fanka ku soo biiray isagoo 13 jir ah xilligaas oo uu yimid Radio Muqdisho si u fannaan u noqdo.

Waxa uu sheegay Salaad Darbi in uu ka mid ahaa fannaaniintii dhiirigalin jiray ciidamada qaranka Soomaaliya.

Fannaanka ayaa sheegay in muddo ka badan 20 sanno uu dalka ka maqnaa.

Fannaanka ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha waxaa durba loo kaxeeyay golaha murtida iyo madadaalada qaranka ee Tiyaatarka halkaasoo lagu tilmaamo in uu tiir u yahay fanka Soomaaliyeed isla markaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay dib u dhis ka billowday.

Maareeyaha Tiyaatarka Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaashiyaha fannaanka Salaad Darbi.

Halkan Hoose ka daawo warbixin aan ka soo xigganay SNTV

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com