RW Kheyre oo shaqadii ka joojiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda

0
Raysal wasaare Kheyre

Muqdisho (SK)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Khamiis ah shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, sida uu baahiyey talefishanka qaranka Soomaaliya.

Wareegtada xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda lala socodsiiyey shaqo ka joojinta wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hanti-dhowraha guud ayaa afartii bishan horrey u sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah wasiirka u gudbiyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taasoo la xiriirtay ku takrifalka hantida qaranka, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ka soo baxay lagu beeniyey warkaas.

Halkan Hoose ka dhageyso wareegtada laga akhriyey SNTV

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com