RW Khayre oo magacaabay guddiga badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka

0
Raysal wasaare Xasan Cali Khayre

Muqdisho (SK)-Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood kuwaasoo badbaadinaya soona celinaya hantida qaranka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay guddigan in ay shaqooda tahay tirakoobka hantida dawladda iyo soo celinta dhulka iyo gaadiidka sida sharci darrada ah dawladda uga maqan.

Guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaaraha waxaa ku jira sideed wasiir oo xukuumadiisa ka tirsan, duqa Muqdisho, Hantidhowrka guud ee dowladda iyo xeer ilaaliyaha guud.

https://platform.twitter.com/widgets.js

Halkan Hoose ka akhriso war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Khare.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com