Puntland oo ka warrantay xoolo loo dhoofiyey Sacuudiga oo dib loo soo celiyey

0
Sawir horre

Garoowe (SK)-Maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey sababta loo soo celiyey xoolo loo dhoofiyey dalka Sacuudiga kuwaasi oo markii horre laga daabulay dekedda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland, Cabdullaahi Shiikh Axmed oo u warramay BBC-da ayaa xaqiijiyey in la soo celiyey in ka badan 27,000 oo neef oo loo dhoofiyey dalka Sacuudiga, kuwaasoo loogu talagalay ciidda carrafo si loo geeyo dalka Sacuudiga.

Wasiirka waxa uu sheegay xoolahan oo guud ahaan ari ah in aysan heynin faah-faahin dheeraad oo ku saabsan sababta loo soo celiyey balse loo sheegay in xoolahaas in ay qabaan cudurka Rift-Valley.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa qiray in cudurkaas uusan xilligan ka jirin Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay macluumaad xaqiijinaya in cudurkaas ay qabaan xoolaha la soo celiyey.

Wasiirku waxa uu sheegay in la baaray caafimaadka xoolaha laga soo celiyey dalka Sacuudiga sidaas darteedna ay baari doonaan in xoolaha la soo celiyey ay qabaan cudurka Rift-Valley.

Waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin go’aanka Sacuudiga uu dib ugu soo celiyey xoolihii sannadkan loo dhoofiyey ee loogu talagalay ciidda carafe.

Markabkii xoolaha qaaday ayaa la filayaa in caawa uu ku soo xirto dekedda magaalada Boosaaso.

Sucuudiga ayaa bishii July ee sannadkan xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomaaliya laga soo dhoofiyo kaddib markii horrey loogu mamnuucay sababo la xiriira cudurka Rift-Valley.

acuudiga waa seyladda ugu baddan ee lagu iibiyo xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo, balse waxaa jira waddamo kale oo Khaliijka ah oo xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com