Paul Pogba oo raba in uu dib ugu laabto Juventus

0
Paul Pogba oo raba in uu dib ugu laabto Juventus

London (SK)-Xiddiga qadka dhexe ee dalka Faransiiska Paul Pogba, ayaa sheegay in uu ka tageyo kooxda Manchester United, isagoo dib ugu laabanaya waddanka Talyaaniga iyo kooxda Juventus.

Pogba ayaa afar sanno ku soo qaatay naadiga Turin, ka hor inta aanu ugu wareegin adduun lacageed oo gaaraya £89m garoonka Old Trafford.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in sabbata Pogba uga tageyo United ay la xiriirto khilaaf kala dhexeeya macallinkiisa Jose Mourinho.

Juventus si cad ayey u sheegtay in ay xiiseeneyso xiddigeedii horre.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda Talyaaniga ka dhisan ay dooneyso in ay fargaliyo bisha January marka uu suuqa cayaartoyga furmo in ay soo gabagabeeyo heshiiska Pogba si loo heli markaas.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com