Paris St-Germain oo ku guuleysatay koobka Super Cup

0
Paris St-Germain oo ku guuleysatay koobka Super Cup

Paris (SK)—Kooxda Paris St-Germain ayaa shalay ku guuleysatay koobka Super Cup-ka dalka Faransiiska, kadib marki ay 4-0 ku dardartay Monaco.

Goolasha laba ka mida waxaa dhaliyay ciyaaryahan Angel Di Maria, halka labada kale ay kala qeybsadeen Christopher Nkunku iyo Timothy Weah oo ah wiilka madaxweynaha dalka Liberia George Weah oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha PSg iyo AC Milan.

Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha ayaa 15-ki daqiiqo ee ugu danbeysay waxaa soo galay xidiga kooxda PSG iyo xulka Brazil Neymar.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu kooxdani u ciyaaro tan iyo bishii Febraayo markaas uu dhaawac dartii garoonnada uga baxay.

Waxay aheyd marki sideedaad ee ay PSg ku guuleysaneyso koobka Super Cup-ka Faransiiska.

ISHA: VOA