ONLF maxay u halgameysay?

0
Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida iyo guddoomiyaha ururka ONLF

Jabhadda xoreynta Soomaali galbeed ee ONLF, ayaa waxa ay halgan iyo gulufl kula jirtey ammin dheer cadowga xoogga ku haysta deegaanka Soomaaligalbeed ee itoobiya?

Haddaba waxaa maalmahan ii muuqda iyadoon siyaasadii ahayd in Soomaali Galbeed tahay dal iyo deegaan itoobiyaan iyadoo ay ONLF isugu tagtay Jigjiga!

Ujeedka iyo hiraalka ONLF ma tegitaanka JIGJIGA iyagoo calanka midabyada leh sita ayuu ahaa? Ma wax aan naloo sheegin oo qarsoonbaa jira? Maxay u dagaallamayeen?

Halgankoodu muxuu ku salaysnaa?

Haddii urur gobonnimodoon ahi la heshiiyo dowladdii uu la dirirsanaa waa laba midkood inuu helo wuxuu u dagaallamayey deegaankii iyo dalkii oo madax bannaan isaguna la wareego sida KOONFURTA SUUDAAN, ERETERIYA oo kale.

Ama inuu la midoobo oo ka mid noqdo dowladdii helona saami qaybsi iyo wixii uu tabanayey wax uu kaga bogsoodo.

Aragtideyda waxaan rumeysnaa inay ONLF ku maqan tahay dhicinta dhul naga maqnaa, mase rumeysnayn inay u dagaallamayeen inay JIGJIGA tagaan.

ONLF ma itoobiya ayay la midoobeysaa oo maamulka SOMALISTATE ayay ku milmeysaa? Mise waxay doonayaan gooni inay uga baxaan oo ka madax bannaanaadana dowladda Itoobiya ee dalka iyo dadka Soomaali galbeed xoogga ku haysata?

Wax is weydiini ma xumee, wax is weydaariskaa daran!

Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo dib ugu laabtey Itoobiya

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr