Naadigii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo dib losoo celiyay (Sawirro)

0
Naadigii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo dib losoo celiyay (

Muqdisho (SK)-Maamula Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyey in dib loo soo celoiyey naadigii dowladda hoose ee Muqdisho, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta gobalka Banaadir.

Kooxda Banaadir Sports Club oo muddo 24 sanno dhisneed ayaa la sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ku cayaari doonto magaca naadigii dowladda hoose ama Monoshiibiyo.

Xafladda lagu shaacinayey arrintan ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulaax, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Marwo Basmo Caamir Jaakeeti , Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Xasan Aadam Yabarow (Wiish), Lalitaha Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga, Ibraahin Xuseen Cali Roombo, Guddoomiye Ku xigeenka Xiriirka kubadda cagta ahna kusimaha guddoomiyaha Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Madaxda, Macallimiinta iyo ciyaartoyda Naadiga Banaadir Sports Club iyo rugcadaayaal Isboorti oo ay ka mid ahaayeen ciyaartoyda Naadiga Dowladda Hoose lagu aas-asay sanadihi Lixdamaadki.

Xaaji Maxamed Axmed Colow iyo Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow oo kamid ahaa ciyartoyda Naadiga Dowladda Hoose lagu aas-aasay Kubadda cagta 1963 iyo kubadda Kolayga 1965 ayaa madasha ka sheegayy inay ku faraxsan yihiin inay arkaan kooxdii Monashiibiyo oo dib loo soo nooleeyay.

Waxa ay u mahadceliyeen lmasuuliyiinyta maamulka gobalka Banaadir, iyagoo tilmaamay in ay diyar u yihiin in ay waayo-raagnimadooda ku biiriyaan horumarka Naadiga dowladda Hoose ee Xamar.

Dhammaan masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee xafladda ka hadashy ayaa maamulka Gobalka ku amaanay dadaalka joogtada ay ugu jiraan horumarinta isboortiga Gobolka iyo guud ahaan dalka heer qaran iyo heer gobol, si gaar ah waxay Guddoomiyaha Gobolka uga mahad ciliyeen in sanadkan gudahiisa uu dib usoo nooleyay Naadiga Madbacadda qaranka iyo Naadiga dowladda Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in Naadiga Dowladda Hoose ay ka mid tahay naadiyadii taariikhiga ahaa ee Isboortiga dalka gaar ahaan matali jiray Sumcadda caasimadda, ayna muhiim tahay in caasimadda dalka la tartanto caasimadaha kale ee dunida dhanka caafimaadka, nadaafaddaiyo amniga, isboortigana uu yahay kan ugu muhiimsan ee ka qayb qaadan dhamman qaybahaas.

Kooxda Banaadir Sports ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay lacagta ay kula soo warereegtay cayaartoy dhawaan ku biiray kooxda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com