Messi,Hazard iyo Mbappe oo hoggaaminaya kooxda ugu wanaagsan horyaallada Yurub

0
Messi,Hazard iyo Mbappe oo hoggaaminaya kooxda ugu wanaagsan horyaallada Yurub

Madrid (SK)- Dhammaan waxaa si xiiso leh u soconaya horyaalada ugu waa weyn qaarada yurub kuwsoo todobbaadkan ku jira waqtiga nasiinada.

Waxaa jira dhawr cayaariyahan oo si lama filaa u hogaanimaya dhan gool dhalinta kuwaa oo waxqabad muuqada soo bandhigay iyo kooxaha qaar oo gaaray natiijooyin aan la fileen.

Sheekada ugu xiisaha badan waxay ka taagan tahay horyaalka Premier League England oo loolan xooggan ay ugu jiraan kooxaha Liverpool Manchester City iyo Chelsea halka Arsenal ay kulamadii dambe gaartay guul cajiiba.

Dhanka horyaalka La Liga Spian waxaa inta lagu guda jiro todobaadka nasiinada caalamiga ah hogaanka u heysa kooxda Sevilla oo ka faa’iiday naatiijooyinka hoos u dhacaa ee soo wajahay labada naadiga ee Barcelona iyo Real Madrid.

Halka horyaalka Italy ee Serie A oo uu sanadkan ka cayaaro Cristiano Ronaldo uu iminkaba u muuqdo in markii siddeedaad oo xariira loo caleema saari doono kooxda Juvetus oo aan qasaarin kulamada ilaa haatan ay dheeshay.

Balse sheekada xusida mudan ayaa ah waa kuwee ilaa hadda xiddiga ugu qaab cayaareedka wanaagsan horyaalada ugu waa weyn qaarada yurub.

Majalada ka falanqoota cayaaraha ee Goal ayaa soo bandhigeysa laacibiinta ay u aragto kuwa ugu fiican tan iyo bilaabashada horyaalada yurub.

Halkan ka daawo Shaxda kooxda illaa haatan ugu wanaagsan horyaalada Yurub.