Maxaa laga ogyahay wafdiga ka socda IGAD ee tagey Baydhabo?

0
Sawir horre

Baydhabo (SK)-Magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay, waxaa maanta gaaray wafdi ka socda urur goballeedka IGAD, kuwaasoo magaalada u tagey sidii doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ugu dhici lahayd si xalaal ah.

Wafdiga IGAD ayaa la kulmay musharrixiinta illaa hadda sheegay in ay u tartamayaan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,waxaana ay dhammaan kala hadlayeen sidii doorashada ugu dhici lahayd si xalaal ah.

Magaalada Baydhabo waxaa kaloo shaley gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye isagoo ammaanay tallaabadii uu qaaday Shariif Xasan madaxweynihii horre oo is casilay.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta degganeed, waxaana magaalada ka ka socda shirar kala go’ lahayn oo loogu xaajanayo sida iyo xilliga ay u dhici doonto doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa soo baxaya dooddo sheegaya in guddigii doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo is casilay in dib loo dhigo doorashada oo ku muddeesneed 17-ka bishan balse dooddo kale ayaa sheegaya in waqtiga lagu balamay la qabto isla markaana la buuxiyo boosaskii ay banneeyeen guddiga doorashada.

Si kastaba, wax kasta ayaa isbaddelay markii uu is casilay madaxweynihii horre Shariif Shiikh Aadan isla markaana uu ka haray tartanka doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Hadal haynta ugu badan ee magaalada Baydhabo ayaa hadda ah hannaanka u dhici doonto doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo cidda ku tartami doonta iyo waqtigii lagu balamay ay ku qabsoomi karto doorashada.

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed waxaa hadda ka harsan 9-cisho, mana cadda in doorashada ay dib u dhici doonto iyo in waqtiga lagu balamay ay ku dhacdo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com