Maxaa keena in la fikiro?

0
Maxaa keena in la fikiro?

Erayga fikir ma lihin, ee waxaynu ka soo toobal caaraysanay afka carabiga, waxaan isku dayay inaan helo dhiggiisa afkeenna, iimase suurto galin. Iyadoo ay taasi jirto, haddana waxan afka kala maagayaa inaan idhaahdo soomaalidii hore ma fikiri jirin. Waxaanse ka gayn waayay aqoon yari aniga afkayga iga haysa, waxaanan aaminsanahay haddii baadhitaan la sameeyo in la soo helayo raqda ama lafaha eraygii kaalintaa inoogu jiray.

In wax la cuno hammuun ayaa keenta, in wax la cabbana harraad ayaa keena, in la nastana daal ayaa keena, haddaba maxaa keena in la fikiro? Jawaabta su’aashan waxan u daynayaa xikmad shiinays oo leh sidan “Dhibtu waa furaha fikirka… fikirkuna waa furaha aqoonta… aqoontuna waa furaha guusha… guushuna waa furaha badhaadhaha”.

Haa!, halkaa waxa inooga dhuroobay in fikirku yimaaddo dhib ka dib, su’aasha labaad ee meesha ku jirtaa waxay tahay fikirku ma dadka oo dhan buu ka yimaaddaa mise in kooban oo faro ku tiris ah? Jawaabtu waa in kooban haddaan la murmayn, maxaase loo yaqaannaa intaa kooban?

Waxa loo yaqaannaa mufakiriin. Haa!, haddaba haddaynu nahay soomaali ma leennahay mufakiriin muuqda? Waxan maqlay aqoonyahan, waxan maqlay dhaqaale yahan, waxan maqlay qabiil yahan, waxan maqlay qalin yahan, waxan maqlay dagaal yahan, waxan maqlay…………. waxan maqlay……… mase aan maqal mufikir yahan!

Jawaabtu ma tahay ma lihin mufakiriin muuqda ama naanaystaa ku suntan? waxan filayaa haa!, su’aashasa kale ee isweydiinta mudani waxay tahay maxaa keenay inaynu lahaan wayno mufakiriin? ma cilmi yaribaa? ma caqli gaabnibaa? ma cabsi ama ku dhicid la’aan baa? ka hor jawaabta weydiintan waxan door bidayaa inaan wax yar ka iftiimiyo aragtida fikirka ay ka qabaan dadkeenu.

Fikirku badi wuxuu ka dhex dhacaa qof iyo maankiis, taasina waa ta keentay in qofku ku mashquulo ku foognaanta iyo falanqaynta hadba waxa maankiisa ka guuxaya, hilmaansiisana inuu si dhug leh ula socdo waxa agtiisa lagu hayo.

Fikirka waxaynu u qaybin karnaa laba qaybood oo kala ah fikir taban iyo fikir togan, haddii aynu soomaali nahay waxaynu naqaan fikirka taban. BES. Waayo waxa dadka badidiisu u arkaan in “Fikirku yahay furaha waalida”. Waxaad maqlaysaa hebel wuu dhuubtay, hebel waa is dilay, heblaayo waa waalatay, markaad is tidhaa ogow sababtana waxa lagu leeyahay way fikireen.

Tani waxay keentay in fikirkaba laga cararo in la sheegto daaye, waayo waxaad arkaysaa qof fikiraya oo isku maqan, markaad tiraa maxaad ka fikiraysaana? wuxuu ku leeyahay ma anigaa fikirayaba! Hadda bedwayn buu ku qarqoonsanaa.

Ka sidan ahi waa kii dhibta dareemayay een weli isku dhiibin waayaha nolosha. Haddaba miyaanay habboonayn in dadka loo sheego, laguna baraarujiyo ka hor inta aan la odhan fikira, in fikirku yahay wax wanaagsan oo la isku gaadho, la iskuna dhaafo, laguna hormaro ee aanu ahayn wax lagu waasho laguna wareero sida dadka badidiisu qabaan.

Nin faylasuuf ah ayaa arday weydiiyay bal inuu wax uga sheego jadwalka waqtigiisa? wuxuu yidhi saacaddaas baan kacaa aroortii laga bilaabo saacaddaa ilaa saacaddaa waxbaan bartaa, laga bilaabo saacaddaa ilaa saacaddaana waxbaan akhriyaa, laga bilaabo saacaddaa ilaa saacaddaana waxbaan qoraa ka dibna waan seexdaa. Faylasuufkii wuxuu ku yidhi hadmaad fikirtaa? wiilkiina waa aamusay ka dib wuxuu ku yidhi jadwalka ku darso waqti aad fikirtid. Haa! idin odhan maayo jadwalka ku darsada waqti aad fikirtaan oo waynu is ognahay waxanse idin leeyahay in fikirku wanaagsan yahay ogaada ka dibna ku darsada xisaabta. Hadda ayuun bay tahay baan filayaa inaan ka jawaabno su’aashii ahayd maxaynu u yeelan waynay mufakiriin?

Dadka kama caqli yarin, waynuse ka cilmi yar nahay, walaw aynaan dareensanayn, waayo cilmigu kaliya maaha ka kutubta ku yaala, rag gaar ahina sheegtaan ee aqoontu waa ta lagu hormaro ee ka muuqata dalka, dadka diinta iyo duunyaba. Horumarna halkaan ka taaganahay nina loo sheegi maayo. Aqoon yaridaasi waxay sababtay cabsi iyo fulaynimo hor leh waayo ka cilmi baadhis sameeyaa kuma helo abaal marin, xataa looma qiro wax qabadkiisa, taasina waxay ku ridaa niyadjab iyo ka soo kaban waa. Waxana inoogu wacan baan filayaa xaasidnimo iyo xiqdi uurkeenna ku jira, ogsoonawna inta aad cid xisdiyaysid in horumar kaa dheer yahay .Ta labaad oo ah baqasho aynu la baqayno inaynu soo bandhigno fikirkeenna, tusaale ahaan:

Marar aan badnayn waxan u holladaa inaan wax uurkayga gubaya qoro, siiba arrimaha bulshada, anoo qolkayga ku jira, qalinkaygana haysta, qoraalkaygana badhtanka marinaya waxa ii soo gala dad (oo maxan dad kuu odhanayaa asxaabtayda) ka dib warqadda waan isku laalaabaa, qalinkana furka ayaan ku xidhaa, haddiiba uu i su’aalo maxad qoraysayna? waxaan ku idhaa wax yar baan iska qul qulaafayay. Maxan u odhan waayay fikir noocaa ah baan qorayaa, iyo arrin baan falanqaynayaa oo aan rog rogayaa?

Miyaanan ka mid noqonayn fulayaasha fikirka, haddiibase la igu yidhaa fulay fikir baad tahay maxan ku diidayaa?

Waayahay haddaba aynu fikirno si aynu u horumarno, fikirkeennana yaynaan la baqan waxaan u arkaa wax wanaagsan oon laga wanaagsanayn, aynuse diinta ka tagno maya, maya. Iyada oo ay tahay nin iyo fahankii waan dhameeyay oon dhuuxay maqaalkii Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd” ee ahaa “Fulayada Fikirka” ma odhan karo boqolkiiba boqol wuu qummanaa oo banii’aadam baa qoray aan qalad laga waayayn, waxanse u arkay dhinbiil hurisay dhuxul maankeena ku kaydsanayd, waxan u arkay hormuudnimo iyo kaalin aan gabnay oo uu buuxiyay, waxanu inaga mudan yahay bogaadin ee inagama mudna in qoraaladiisii hore la deedifeeyo.

Had iyo goor in qofka xumaan laga malaysto waa laga qurxoon yahay. In keeb la yuurar la ahaado oo dhufayska lagu jiro, qofkii fikir keenana lagu dhoog barto iyana waa laga qurxoon yahay, Islaamku inuu wanaagsanaa, wanaagsan yahay, wanaagsanaan doonana in shiki la galiyo waa laga qurxoon yahay. Haddiise arinku yahay fikiri maayo, fikirkaagana qaadan maayo, wada fikiri maynana anigu kama hadal.

Culuumta maanta reer galbeed ku bootaynayo in qaar badan oo ka mida uu islaamka ka dhaxlayna shiki kuma jiro iyaga oo aan cuqdadaysnayn ee qirsan wanaagiisa iyo waxtarkiisaba.

Haddaba ma waxa inala gudboon inaan la soo taagnaano bas islaamku culuumtaas isaga ikhtiraacay mise inaan soo ceshano? Soomaalidu waxay tidhaa “Aabbahay baa geel lahaa aniga dameer le baa dhaanta”. Islaamku sidaas buu ahaan jiray waxa ka mudan innaga oo ka hadala siduu maanta yahay. Aynu ogsoonaano kaliya inaynu wax qabsan karno markaynu si wanagsan u fikirno noqonana dad waaqiciyiin ah.

Walaalayaal ha la doodo; ha la kala faaiidaysto; ha lays qanciyo; ha lays tilmaamo; ha lays toosiyo; ha lays qadariyo; yaanse la murmin; yaan la is dhibsan, doodu yaanay inaga noqon “Midi mid ku taag” iyo shakhsi necbaysi.

Ugu danbayn waxan maqaalkaygan ku soo xidhayaa “Ayaan darrada indheer garadka haysataa waa qiimihiisa oo markuu dhinto la garto, ayaan darrada halyayga haysataana waa xorriyada uu dhiigiisa u huray oo habacsane dhuun dheer ku dhuuqo”

W/Q:Axmed Ismaaciil Maxamud (Axmed deeq),
awliyo177@hotmail.com