Maxaa ka jira in uu is casilay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland?

0
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish

Kismaayo (SK)-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu is casilay, waxaana uu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Wasiirka oo u warramay weriyaha VOA ee Nirobi, Khadar Xareed ayaa xaqiijiyey in wararka sheegaya is-casiladiisa ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana aanu waxbo ka jirin.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii 24-kii saac ee la soo dhaafay la soo dhigayey baraha bulshada warar sheegaya in wasiir Darwiish uu iscasilay.

Shirka Kismaayo uga socda wasiirada maamul goballeedyada.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa ka socda shir ay lee yihiin wasiirada ammaanka maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyagoo ka arrinsanaya ammaanka deegannada ay maamulaan in ay sameestaan ciidamo gaar u ah oo ay isku waardiyeeyaan maadama shirkii ugu dambeeyay ee golaha iskaashiga maamul goballeedyada ku yeesheen Garoow ay madaxda golaha iskaashiga isku raaceen.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirkan daahfuray, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidamo mideysan oo laga soo dhex xulay dhammaan deegannada goballada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku dhaliilay dowladda federaalka in ay ku guul dareesatay in ay xiriir wadashaqeen ah la yeeshaan maamullada dalka.

Halkan hoose ka akhriso qoraal uu soo dhigay weriyaha VOA ee Nairobi

Wararkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley uu iscasilay madaxweyihii Koonfur Galbeed Shariir Sheekh Aadan oo uga dhawaaqay magaalada Baydhabo isagoo sheegay in xilka uu ku wareejiyey guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa.

Munaasabadda xil wareejinta Shariif waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegay in uu ka tanaasulay tartanka maamulka Koonfur Galbeed taasoo ku mudeesneed 17-ka bishan Novmber, isagoo u sababeeyay khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com