Maxaa galay Madaxa dhallinta?

0

Waxaan soo joogay.1992dii mar ay koox xagjir ahi oo la magac baxday ALITIXAAD talada gobolka togdheer gacanta ku dhigeen, hawlihii ugu horreeyey ee ay qabteen waxaa ka mid ahaa:

1. Xiirista timaha

2. Joojinta Heesaha

3. Sargooynta dhar xirashada( raggu surwaalka gaabsho, gadhka daayo, shaarubaha xiiro, dumarkuna JALBAAB gashado)

4, Joojinta qaadka markay u dhawaadeen ayaa laga soo horjeestay.
Ma aysan la gole imaan dhisida dugsiyadii waxbarashada ee burbursanaa, soo kicinta ilaha dhaqaalaha suuqyada oo burbursanaa, dib u habeynta wadooyinka bacaadku aasay, isu soo dhaweynta bulshada dayacneyd ee dagaalladu naafeeyeen.

1994 ayaa mar kale waxaa ka curtey magaalada Muqdisho dhanka waqooyiga, degmooyinka, Yaaqshiid, Wardhiigleey, Boondheere, Cabdicasiis, Shibis, Kaaraan Shangaani, Maxkamad Islaami ah oo uu hoggaaminayeen wadaado isku dhafan.Wadaadadu waxay markiiba bilaabeen:

1. La dagaalanka budhcada

2. Uruurinta hubka

3. Kala saarista bulshada

4. Sugida nabadda

Aad baa loo soo dhaweeyey waxaana loo arkay yididiilo cusub oo timid markii hantidii oodhan loo hurey ee ay hub iyo awood isku hubsadeen ayey hawshoodii bilaabeen:

1. Joojinta heesaha iyo fillimada

2. Xiirista timaha

3. Karbaashka dhallinyarada

4. Cabudhinta dadweynaha.

Taasoo keentey dadweynihii shalay taageeray inay dib uga laabtaan iyagoo ka niyad jabsan.
2006 ayaa haddana waxaa dib u curtey kacaankii Maxkamaddaha ee la dagaallamay hoggaamiye kooxeedyada, sidii si le’eg ayaa dadweynuhu riyaaq iyo rayn rayn ku soo dhaweeyeen, markay magaaladii oodhan gacanta ku dhigeen ee islaaxiyeen ayay bilaabeen:

1. Xiirista timaha

2. Joojinta daawashada ciyaaraha

3. Joojinta dhegaysiga heesaha

4, Jujuubka lebiska ragga iyo dumarka

5. Beegsiga dadkii magaca lahaa iyo iyo iyo.
Billowgii 2018ka ayaa mar kale waxaa ka curtey Hargeysa arrinka tima xiirista iyo sidoo kale xidhxidhida gabdhaha iyo wiilasha.

Hadda oo ah dabayaaqada 2018ka ayaa waxaa ka curtey Muqdisho markii hoggaanka cusub loo dhiibey Nabadsugida.

1. Xiirista timaha

2. Xidhida meheradaha

3. Cabudhinta dadweynaha

4. Ka been abuurashada bulshada.

Ogoow waa meerto soo noqnoqeysa mar walbana salka la gelaysa koox wadaada ah oo CARABTA ka soo qaadatay mashruuc loo ekaysiinayo dadka Soomaaliyeed inay sida Carabta u lebistaan, sida carabtana u dhaqmaan.

Ninka Askariga ah ee shaqada ka dhiganaya inuu wiil Soomaaliyeed timaha ka xiiro muxuu dalka iyo dadka uga ilaalin waayey, kuwa dadka dilaya, dhacaya, kufsanaya ee hagardaamada ku haya?

Hadduu askarigu dhaqan toosin wado, muxuu dulmiga uga qaban waayey ka socda, xarunta dowladda hoose, waddooyinka Muqdisho, maxkamaddaha gobolka oo dadka danyarta ah loogu awood sheegto, hantidoodana hadhcad lagala wareego?

Hadduu askarigu yahay mid daacad ah oo dhaqan wanaagsan muxuusan dalkiisa ugu filnaan oo cadowga madoow ee Afrikaanka ah looga maarmin isaguna xilka iyo waajibaadka dalkiisa uusan tuurta ugu ridin?

Madaxa dhallinyarada waxaa amar ku bixiyey iyo mehradaha wadaad goobjoog u ahaa intaas aan soo sheegay aragtidaasina maankiisa dhaamisay oo sirdoonka dalka loo dhiibey. hawlgalkisuna wuxuu noqday kii shalay uun lagu fashilmay ee dadweynuhu ku naceen kooxihii xagjirka ahaa.

Wareegtaa waa silsilad.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr