Man United oo tababare cusub magacowday

0
Man United oo tababare cusub magacowday

London (SK)-Naadiga ka cayaarta horyaalka Ingiriiska Premier League, Manchester United ayaa shaacisay tababare cusub, kaasoo baddeli doona Jose Mourinho oo kooxda laga eryay shaley.

Mourinho ayaa Talaadadii isaga tagey kooxda,isagoo ay u dhammaatay labo sanno iyo bar oo uu la joogay kooxda ka dhisan Old Trafford.

Macallinkii horre ee u dhashay dalka Portagal ayaa heestay cadaadis xooggan tan iyo billowgii xilli cayaareedkan, waxaana ugu sii darsamay kulankii 3-1 ay uga badisay kooxda Liverpool.

19 dhibcood ayey ka hooseesaa kooxda hoggaanka horyaalka Premier League, waxaana khatar ku jira in ka mid noqoto afarta koox ee Ingiriiska u matalaya horyaalka UEFA Champions League.

Weerar yahankii horre ee United, Ole Gunnar Solskjaer, ayaa si kadis ah looo magacaabay in uu u noqdo macallinka cusub ee kooxda sida lagu shaaciyay website-ka kooxda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com