Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay garsoorayaal maxkamadeed kuwa kalena shaqada ka eryey

0
Madaxeynaha Soomaaliya

Muqdisho (SK)-War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilkii ka qaaday shan garsoore oo katirsan maxkamadda sare ee dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu madaxweynaha magacaabay garsoorayaal kale oo beddelaya kuwa la ceyriyey.

Garsoorayasha la magacaabay waxaa ka mid ah Saalax Shiikh Ibraahim Dhiblaawe oo horray u ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed

Garyaqaan Cabdalla Macalin Maxamed

Garyaqaan Xaydar Barqash Abuubakar

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaali ay ku habeyneyso hey’addaha garsoorka dalka, waxaana dhawaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com