Laftagareen muxuu Baraawe ka doonay?

0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe

Baraawe (SK)-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo loo yaqaanno Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga madaxweynaha oo ka yimid magaalada Baydhabo, ayaa la socday diyaarad gaar ah, waxaana magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa safarkiisa ku wehliya guddoomiyaha golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed uu tago magaalada Baraawe oo ah xarrunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed balse hadda maamulka waxa uu ku shaqeeyaa magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa horey u tagey maalada Xudur ee xarrunta gobalka Bakool.

Dhinaca kale, magaalada Afgooye waxa ka socota qaban qaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan madaxda ugu sareysa dowladda sida madaxweynaha.

Ammaanka magaalada Afgooye ayaa aad loo adkeeyay waxaana inta u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye la geeyay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan dowladda federaalka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com