Madaxweynaha cusub ee Puntland oo ka hadlay mustaqbalka golaha iskaashiga iyo Somaliland

0
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani

Garowe (SK)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo Wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin khilaafka dhinaca xuduuda ee kala dhexeeya Somaliland iyo mustaqbalka golaha iskaashiga maamul goballeedyada.

Waxa uu sheegay Somaliland in ay iyada ku soo xad gudubtay dhul uu sheegay in ay Puntland lee dahay.

Dani ayaa sheegay in maamullada dowladda federaalka ka tirsan ay xaq u lee yihiin inay dhistaan gole ay sharci u lee yihiin arrintaasna ay tahay mid dastuuri ah.

Mar uu ka hadlayey xiriirka dowladda iyo maamulkiisa, waxa uu sheegay in dowladda uu kala shaqeen doono sidii loo xoojin laha hey’addaha dowladda gaar ahaan xiriirka ay lee dahay maamul goballeedyada iyo wixii dib u dhis ah.

               Hiigsigiisa uu lee yahay

Mar la weydiiyay hadafka uu ka lee yahay Puntland, waxa uu sheegay Puntland in ay dhisan tahay 20 sanno, isla markaana ay xoojin doonaan wax yaabaha horumarka ee la sameeyay iyo in waxa isbaddalka u baahan loo baddeli lahaa.

Mar la weydiiyay qorshihiisa amniga, sida uu wajahayo dagaalka Shabaab iyo Daacish oo xarrumo ku leh deegannada Puntland, waxa uu xaqiijiyay in Daacish iyo Shabaab ay ku xoogan yihiin deeganno ku dhow Boosaaso isla markaana ay halkaas ka saari doonaan.

Khilaafka dhinaca xadka ee Puntland iyo Somaliland

Mar la weydiiyay sida lagu maareen karo khilaafka dhinaca soohdinta ee ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxa uu sheegay in aanu jirin muran dhuleed ka dhexeeya labada maamul.

Waxa uu sheegay Somaliland in ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland maadama wixii ka dambeeyay dagaalladii sokeeye 1991-dii dalka in ay ka dhismaan maamulo, maamul kasta la ogyahay qabaa’ilka ku bohoobay, tusaale waxa uu soo qaatay in Puntlan ay ku bahoobeen qabiilka ka soo jeeda Bari, Nugaal, Waqooyiga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari, iyo Buuhoodle.

Waxa uu ku baaqay Somaliland inay ka baxaan dhulka heestaan isla markaana garwaaqsadaan qaladka ay ku jiraan.

Xiriirka Puntland iyo Dowladda federaalka.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ka hadlay sida uu noqon doono xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka xilligan maadama maamulkii ka horreeyay iyo dowladda federaalka xiriirkooda uu xumaa.

Waxa uu sheegay Puntland in ay ka tirsan dowladda federaalka maadama markii la dhisayay maamulka Puntland lagu dhisayay in ay ka mid tahay dowladda federaalka, waxa uu sheegay in maamulkiisa uusan ka shaqeen doonin sidii loo wiiqi lahaa dowladda federaalka.

Waxa uu sheegay in weli nidaamka federaalka si fiican loo fahmin, waxa hadda taan aan lagu tilmaami karin khilaaf ee uu yahay kala aragtiduwanaansho dhinaca loona baahan yahay in xal loo helo.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeen doono sidii loo heli lahaa dowlad sal adag.

Ishkaashiga maamul goballeedyada

Madaxweynaha Puntland ayaa la weydiiyay sida uu ka yeelayo golaha iskaashiga maamul goballedyada oo horrey uga baxday HirShabeelle, waxa uu sheegay dastuurka uu dhigayo in ay iskaashadaan maamul goballeedyada, waxa uu sheegay in wax kasta oo dastuurka uu siinayo Puntland ay xoojinayaan, waxa dowladda ay uu siinayo ay xoojiyaan.

Doorasho cod iyo qof

Waxaa la weydiiyay in doorasho qof iyo cod uu gaarsiin doono Puntland shanta sanno ee xilka uu hayo, waxa uu sheegay in ay ku dedaali doonaan sidii Puntland uga dhici lahayd doorasho xalaal ah, balse waxa uu ka codsaday hey’addaha calaamka in ay gacan ku siiyaan sidii nidaamkaas looga hirgalin lahaa Puntland.

La dagaallanka musuq-maasuqa

Waxa la weydiiyay sida uu ka yeelayo musuq-maasuqa maadama doorashadii uu ku guuleystay ay hareysay musuqmaasuq iyo wax is daba marin oo lacago la bixiyay, waxa uu sheegay in sannadka horre ay ku dedaali doonaan sii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod.

Waxaa la weydiiyay doorashadiisa in ay nadiif ka ahayd musuq-maasuq, waxa uu ku tilmaamay mid xalaal ah in ay ahayd.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com