Macallinkii horre xulka qaranka Soomaaliya oo geeriyoday

0
Macallinkii horre xulka qaranka Soomaaliya oo geeriyoday

Toronto (SK)- Magaalada Toronto ee waddanka Canada, waxaa ku geeriyooday allaha u naxariisto Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) oo ka mid ahaa cayaartoydii horre ee xulka Soomaaliya ee kubadda kolayga.

Marxuumka ayaa sannadkii 1973-dii ka mid noqday cayaartoyda heerka koowaad ee dalka, isagoo u soo cayaaray kooxda kubadda kolayga ee Jeenyo-ka-Jeenyo.

Sidoo kale, marxuum Cabdi dheer ayaa macallin u soo noqday kooxda qaranka kubadda kolayga ee Soomaaliya.

Kooxda Kubadda Koleyga ee Jeenyo Lahaanshaha sawirka Hiiraan Online

Macallin Cabdi Dheere ayaa in muddo ah ku xanuunsanayey Isbitaal ku yaalla magaalada Toronto, halkaasoo isla maanta lagu aasi doono.

Marxuum Cabdi Dheere, ayaa intii uu macallinka u ahaa kooxda kubadda kolayga guulo la soo gaaray kubadda gaar ahaan cayaaro ay ku soo cayaareen waddamo ku yaalla Afrika iyo Carabta

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com