Maalinta Jimcaha iyo Faa’idoonka laga helo

0
Maalinta Jimcaha iyo Faa'idoonka laga helo

Nairobi (SK)-Akhristow sida lagu caddeeyay Xadiis laga weriyay Abuu Hureyra (RC) Maalinta Jimcaha waxay ka fadli badan tahay Maalin ay Qorraxi soo baxdo, waayo waa maalintii

1-Nebi Aadan (SCW) la Abuuray

2-Waa maalintii Jannada laga soo saaray

3-Waa maalinta laga towba aqbalay

4- Waa maalintii la qiblooday naftiisa

5-Waa maalintii saacadda qiyaamo dhaceyso ama dhici doonto.

Ma jirto dhulka korkiis nafley aan tasbiixsaneyn maalinta Jimcaha illaa bani-aadam mooyee, maalinta Jimcaha, waxaa ku jira saacad uu Addoonku Mu’minka ahni uu Ilaah la kulmo isagoo salaad ku jira oo illaah ka baro arrin illaa ilaah wuu siin arrinkii uu ka baryay.

Sidoo kale, wuxuu ilaah qur’aankiisa kariimka ah inagu faray, inaan shaqada joojinno markii yeero, Aadanka Salaadda Jimcaha oo Salaadda la aado sida cad Aayadda guud ee 9-aad ee Suuratul Jimca.

Haddaba, Maalinta Jimcaha waxa ay kulansatay dhowr munaasabadood oo waaweyn, sidaa darteed, waxaa lagu magacaabaa inay tahay Sayadul Ayaam.

Jimcuhu waxuu ka mid yahay seddaxda Ciidood ee Islaamka oo kala ah:

1-Ciidd Fidriga

2-Ciidda Carrafo

3-Maalinta Jimcaha

Xadiis  kale oo laga weriyay Abuu ummama (RC), wuxuu lee yahay Shan habeen lama soo celiyo Ducadooda oo ilaah wuu aqbali, waxayna kala yihiin:

Fadlan akhriso suuradda Al Kahf maalinta Jimcaha

1-Habeenka ugu horreeya ee Bisha Rajab.

2-Habeenka kala barka Bisha Shacbaan

3-Habeenka Jimcaha

4-Habeenka ciidda Soonfur

5-Habeenka Ciidda Carrafo

Salaadda Jimcaha waa salaad la tukado maalinta Jimcaha waqti ka hor waqtiga salaada Duhur, Salaadda Jimcaha, waxaa shuruud u ah waajibnimadeeda 7 shardi oo kala ah:
1-Islaamnimo
2-Qaangaarnimo
3-Xornimo
4-Ragannimo
5-Caqli
6-Caafimaad Qab
7-In uusan Musaafur ahayn

Sidoo kale, Salaadda Jimcaha, waxay ku ansaxaysaa Saddex Shardi oo kala ah:

1-In meesha magaalo tahay

2-In la helo ugu yaraan 40tan rag ah oo ay ku waajibto Saaladda Jimcaha.

3-In la tukado waqti ka horreeya waqtiga salaadda Duhur

Fallaadan waxaa lagu qoray Wargeyska DALKA qaybtiisa Islaamka iyo Nolasha.