Ma ogtahay Jaceylku Indho malahan!!

0
Ma ogtahay Jaceylku Indho malahan!!

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran degelka Soomaalikabe, ma ogtihiin, Ruux ayaad si Fudud ku jeclaaneysaa, Adiga oo aan garaneyn Ruuxa dabeecadiisa, Jaceylkiisa, Qalbigiisa iyo xataa Noloshiisa. ma Qof Xun baa mise waa Qof Wanaagsan, Haddana adiga oo aan Hordhacba ka heysan ayaad jeclaaneysaa.

Berrito markuu kaa tagona waad Murugoonee, Haddaba ma Adigaa Khaldan oo Caashaqay mise isaga ayaa Khaldan oo kaa Fogaaday.

Ogoow Adigu ma Khaldanid oo Ruux waad jeclaan kartaa, jaceylkuna khalad maleh. Ruuxan kaa tegayna Khaladka lama saari karo waayo jaceylka idin dhex yaala waxa uu u dhaxeeya Calaf.

Mar walba waxaad Aaminsanaataa Calafka, Waayo ma ogid Ruuxaad Calaf ku yeelan doontid, Sido kalena wa inaad u Adkeysataa

Dhaawac kasta oo kaa soo Wajaha Jaceylka. (Ogoow jaceyl ku Indho ma leh).

W/Q:- Macoow Ustaad