Labo sarkaal oo dowladda looga dilay Shabeellaha Hoose

0
Sawir hore

Muqdisho (SK)- War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya talihii qeybta 12-ka April Jeneraal Cumar Dheere in uu ku dhintay qarax wadadda dhinaceeda la galiyay oo lagu qarxiyay kolanyo uu la socday deeganka Dhanaane ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ilo kala duwan oo dhinaca ammaanka, ayaa sheegay in taliyaha dhaawac ahaan loogu soo qaaday magaalada Muqdisho balse markii dambe cisbitaalka uu ku dhintay.

Sidoo kale, qaraxaas waxaa ku dhintay Jeneraal Cabdi Cali Jamaame oo isna ahaa abaandulaha qeybta 12-ka April ee millitariga Soomaaliya, sidoo kale dhowr askarta dowladda ay ku dhintay qaraxaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad xooggan waxaana uu dhacay wax yer uun markii ka soo baxeen deeganka Dhanaane ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda ma jirto wax ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo dowladda federaalka oo ku saabsan khasaaraha uu dhaliyey qaraxaas balse ma jirto illaa hadda cid sheegatay qaraxaas lagu dilay saraakiisha iyo ciidamada dowladda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com