Khasaaraha ka dhashay iska hor imaad Gedo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

0
Sawir hore

Doolow (SK)-Inta la ogyahay shan ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa ku dhintay iska hor-imaad xaley ka dhacay tuulo u dhow degmada Dolow ee gobalka Gedo, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay tuulada Hareertuur oo u dhexeysa Beledxaawo iyo Tuula-Barwaaqo.

Iska hor imaadka ayaa ka dhashay kaddib markii ciidamada dowladda ay howgallo ka sameeyeen deegankan oo ka mid ah goobaha Shabaabku ku qaadaan sakaada ku qeybiyaan.

Al-Shabaab ayaa ka war helay weerarka ka socda tuulada waxaana ay jidka u galeen ciidamada weerarka qaaday ee dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada ay howgallo ka wadaan deeganka iska hor imaadka uu ka dhacay.

Ilo kala duwan oo ku sugan Beledxaawo iyo Tuula-Barwaaqo ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen illaa shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Ciidamo ka tagey Doolow iyo Beledxaawo ayaa tagey deeganka weerarka uu ka dhacay, waxaana lagu soo warramayaa xaaladda in ay hadda deggan tahay.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com