Kepa Arrizabalaga oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

0
Kepa Arrizabalaga oo si rasmi ah Chelsea ugu biiray

London (SK)- Naadiga Chelsea ayaa xaqiijisay in ay la soo wareegtay goolhaye Kepa Arrizabalaga oo ka yimid naadiga Athletic Bilbao ee dalka Spain.

Chelsea ayaa bixisay adduun lacageed £71.6m waxaana uu u saxiixay 7 sanno oo heshiis ah, sida ay baahisay Skysports.

Xiddiga 23-jirka ayaa ku soo biiray horyaalka Premier League isagoo kalkan u cayaaraya kooxda Chelsea.

Arrizabalaga ayaa noqday goolhayihii ugu qaalisanaa ee abid gool wade lagu kala gato, isago ka sara maray heshiiskii Liverpool ay kula soo wareegtay Alisson bishii July oo ku kacayay £66.8 oo milyan.

Gool wadaha reer Spain, ayaa baddal u noqon doona Thibaut Courtois.

Sidoo kale, ciyaaryahanka reer Croatia ee naadiga Ral Madrid Mateo Kovacic, 24, ayaa la rajeynayaa in qaab amaah ahaan uu ugu biiro naadiga Chelsea.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com