Ka faa’ideyso xikmado muhiim ah

0

1- Biyuhu waa wax jilicsan, hadana waxey Dilaaciyaan Dhulka, waxeyna Dhaqaajiyaan Dhagxaan, waxey Dejin karaan Markab, taasi waxey si Cad kuu tuseysaa Mabda’a ah in si Degenaan aad kaga Guuleysan kartid Wax kasta oo Adag.

2- Sabarka ma aha keliya ilaa Waqtiga aad Sugi kartid, balse waa sida Fiicanan aad u Dhaqmi kartid inta aad Sugeyseysid. Marnaba ha is Oran wey kaa soo Daaheen wixii aad Sugeysay ama Weligaa ma Heleysid.

3- Haka Caajisin hana is Dhiibin, Halganka aad Maanta ku jirto, wuxuu kuu Diyaarinayaa Awooda aad Beri u baahan tahay. Ogoow Dhib kasta oo ku soo martay waxey Fursad u aheyd Koritaankaaga Qofnimo

4- Marnaba ha Nicin dad kaa Maseersan ama ku Ximiya, Xushmee Maseerkooda. Waa Dad kuu arka inaad ka Wanaagsan tahay.

5- Ogoow Qofna intuu Qabrigaada soo Istaago ma Oranaayo: Wuxuu wadan jiray Mobilo Qaali ah, Waxey lahayd Gaari Qurux badan, Wuxuu lahaa Guri weyn, Waxey laheyd Hanti Fara badan, balse inta kaligaa God yar lagu geliyo ayaa lagaa soo Dhaqaaqayaa, waxaana ku Raaci doono Camalkaaga oo keliya.

6- Qof Maskiin ah ama Baahan haddii uu wax ku Weydiisto haka Bakheylin, Sii wax kasta aad Awoodo. Ogoow sabab baad ku Kulanteen, Adiga ayaana laguugu Eegayaa in Wixii Alle ku siiyay aad Wax ka bixiso iyo in lagaa soo Celiyo ama Barakada laga qaado.

7- Yeelo Saaxiib iyo Asxaab, laakiin Ha iloobin Dadkii Aduunkaan ku keenay, Xiriiri Qaraabada, Xaqdhawr Deriska, Xushmee Dadka.

8- Haddii Ukunta Banaanka laga eebiyo, Nolosheeda wey Dhamaataa. Haddii Gudaha laga jebiyana Nolosha wey u Bilaabataa oo Digaagad yar baa Dhalata. Noloshaada & Wax kastoo Sareeya waxey ka Bilowdaan Gudaha, marnaba ha Sugin wax Banaanka kaaga yimaada iney ku Bedelaan ama Farxad kuu keenaan.

W/ Q:- Macoow Ustaad.