Juventus iyo Milan oo kala beddashay Bonucci & Higuain

0
Juventus iyo Milan oo kala beddashay Bonucci & Higuain

WASHINGTON. D.C (SK)— Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa is weydaarsaday oo kala badashay saddex ciyaaryahan oo laba ka mid ahi caan ka yihiin dunida kubadda cakta.

Milan ayaa wareejisay kabtankoodii Leonardo Bonucci oo dib ula midoobaya kooxdiisii hore ee Juventus, halka Juve ay Milan u dirtay weeraryahanka reer Argentine Gonzalo Higuain iyo daafaca dhalinyarada ah Mattia Caldara.

Bonucci, oo ah 31 jir ayaa hal xilli ciyaareed la joogay Milan kaddib marki ay sannadki hore kaga soo iibsatay Juventus 42 milyan oo euro. Kooxda Juve ayaa barteeda twitter-ka maanta soo dhigtay hadal ay ku sheegtay Bonucci Turino ayuu yimid.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki uu Bonucci ka codsaday maamulka Milan in la fasaxo si uu dib ugu laabto kooxdiisii hore.

Maamulaha cusub ee AC Milan Leonardo oo horayna kooxda ugu soo ciyaaray marna soo noqday agaasimaha dhinaca isboortiga ayaa isna dalbaday Higuain oo hadda ah 30 jir.

Gooldhaliyahan ayaa ku qasbanaaday inuu garoonka Allianz Stadium ee kooda Juventus isaga tago kadib marki uu halkaasi tagay Cristiano Ronaldo.
Ciyaaryahanka kale ee ay Juventus u dirtay Milan ayaa ah Caldara oo 24 jir ah.

Wuxuu labadi sano ee lasoo dhaafay si amaah ah ugu ciyaaray Atalanta, waana lagu tiriyaa laacibiinta mustaqbalka leh ee difaaca ka ciyaara ee u soo kacay Talyaaniga.

ISHA: VOA