Jabuuti: “Soomaaliyey sidaan idinkugu lisnay maydiin noogu Hambeyn”

0
Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada ku Qaabilay wafdiga Jabuuti ee kasoo qeybgalay Xuska1-da Luuliyo

CUDURDAAR

Waxaan ka cudurdaaranayaa in dhigaalkan uu dheer yahay, si kastaba ha ahaatee, waxaan rumeysannahay inuu daruuri yahay in la akhriyo xogtaan, oo wax la iska yiraahdo.

HORDHAC

Todobaadkii hore madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxammed Cabdullahi Farmaajo ayaa Asmara ku tagay safar aan horay loosii shaacin, wuxuuna beesha caalamka ka dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eratariya. Arrinkaan waxay ka careysiisay dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Dhigaalkaan waxaan ku falanqeynayaa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimada ku qotama ey Jabuuti la leedahay Soomaaliya, anigoo millicsanaya sooyaalka taariikh-wadaag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab. Sidoo kale, qormadaan waxay soo bandhigeysaa weydiimo la xiriira waxa ku qasbay madaxweyne Farmaajo inuu dunida ka dalbado in Eriteriya laga qaado cunaqabateynta, anigoo isku dayi doona inaan raadiyo jawaabo maangal ah, kuna dadaali doona inaan soo bandhigo xog iyo falanqeyn lagu qanci karo. Waddamada Jabuuti iyo Eritariya waxaan labadaba u galnay abaal, haddaba sidee noogu abaalgudeen? Qodobkaan waan dul istaagi doonaa, anigoo isbarbardhigaya qaabka ey labadaan dal noola dhaqmeyn xilligii aan ku jirnay kala yaaca. Waxaa qof walba ka dheregsan yahay in wadamada Khaliijka ey taraq iyo baansiin la gaaf wareegayaan mandiqadda, iyagoo iska dhex arkay iney dantooda ku jirto is hortaaga madax banaanida iyo horumarka mandiqadda. Waxaan taabtaaban doonaa shirqoolka Khaliijka ey ka maleegayaan mandiqadda.

ISBARBARDHIG SOOYAAL

28kii bishii hore ayuu madaxweynaha JFS mudane Maxammed Cabdullaahi Farmaajo socdaal aan la shaacin ku tagay mgaalada Asmara ee Caasimadda u ah dalka Eritariya. Halkaas waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay madaxweynaha dalka Eritariya Isaias Afawarqi, xukuumaddiisa iyo shacabka Eritariya. Intuu dalkaas ku sugnaa madaxweyne Farmaajo ayaa si lama filaan ah beesha caalamka uga codsaday in Eritariya cunaqabateynta laga qaado. Arrinkaan waxaa ka duday xukuumadda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Khuburada siyaasadda falanqeeya waxay la dayaameyn sababta ku qasbi karta in madaxweyne Farmaajo uu talaabadaan ku dhowaaqo. Xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN mudane Maxammed Siyaad Barre, waxaa dalkeena joogi jiray oo garab iyo hiilba lasiiyay jabhaddii xornimo doonka ee Eritariya oo hogaamiye ka ahaa madaxweynaha iminka talada Eritariya haya Afawarqi. Howlwadeeno ka shaqeyn jiray laanta socdaalka Soomaaliya waxay ii xaqiijiyaan in Afawarqi iyo xubnaha sar-sare ee jabhadda lasiiyay baasabooro iyo dhalasho Soomaali ah taas oo u sahashay iney dunida meeshey doonaan ku mushaaxaan—danahoodana ku fushaan.

Sidoo kale, dawladdii Soomaaliya ee xilligaas waxay jabhadda iyo dadka Eritariya la garab istaagtay saad iyo saanad. Muddo haatan laga joogo shan sanadood ayaa waxaan magaalada London kula kulmay lamaane Eritariyaan ah, oo awlaad waa weyn isku dhalay. Waxay i weydiiyeen dalka aan kasoo jeedo, markaan u sheegay inaan Soomaali ahay, wajigooda ayaa iftiimay farxad daraadiis, waxayna lamaanaha ku baratameyn qofkii ii sheegi sababta ey ugu faraxsan yihiin iney qof Soomaali ah arkaan. Haweenayda ayaa ugu danbeytii doorkaas ku guuleysatay, waxayna ii sheegtay in ninkeedu ey isjeclaayeen ilaa yaraantoodii. Waxay tiri markii la aasaasay jabhadda xornimo-doonka ee Eritariya, ninkayga wuxuu ku biiray ciidanka jabhadda oo lagu tababari jiray Muqdisho. Markii uu tababrka dhammeystay ayaa waxaan ugu tagay Muqdisho—halkaas oo aan ku aqalgalnay, kuna qaadanay bishii malabka. Iyadoo hadalkeedii soo gunaanadaysa waxay tiri; Muqdisho iyo Soomaaliya waagaas ayey qalbigeena ku qormatay, weligeedna ka biximeyso.

Haddaba, maxaa ka danbeeyay? Dawladda Eritariya iyo madaxdeeda sidii Soomaaliya ugu listay ma ugu hanbeeysay? Abaalkii loo dhigtay ma guday? Weydiimahaan iyo dhowr kale oo la xiriira waa in jawaabo maangal ah loo helaa. Waxaan oran karnaa, Eritariya iney abaal guddo iska daayee, wey na tukhun-tukheysay. Bishii Deyrhalolood (Oktoobar) ee sanadkii 2004tii, kadib shir Soomaali u fadhiday 2 sanadood magaalada Imbagaati ee dalka Kenya, waxaa ka dhashay xukuumad Soomaaliyeed oo madaxweyne loogu doortay AUN mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Dawladda markey Soomaaliya soo caga-dhigatay waxaa dagaal ku qaaday urur-diimeedyo ey horboodayaan urur-diimeedkii la oran jiray Maxaakiimta Islaamka. Dawladda waxaa garab taagnaa ciidamo ka socday midowga Afrika oo ey horboodayaan Itoobiya. Eritariya waxay gacan u fidisay oo saad iyo saanadba la garab istaagtay mucaaradkii hubeysnaa ee dawladda tabarta darran la dagaalamayay. Mucaaradkaas waxaa ku jiray xubno madax kasoo noqday ururka argagaxisada Alshabaab oo uu kamid ahaa shiikh Xasan Daahir Aweys.

Loolan siyaasadeed oo dheer kadib, dawladdii Cabdullaahi waa la riday, waxayna Soomaali isugu tagtay Jabuuti—halkaas oo lagu soo doortay madaxweyne Shiikh Shariif, oo muddo yar ka hor Asmara fadhin jiray, isagoo hogaamiye u ahaa mucaaradkii dawladdii Cabdullaahu Yuusuf. Shiikh Shariif markii la doortay, dad badan baa is yiri; Eritariya wey joojin doontaa taageeridda argagixisada Soomaaliya maadaama la doortay Shiikh Shariif oo saaxiib la ahaa madaxweynaha Eritariya Afawarqi. Si kastaba ha ahaatee, taasi ma dhicin, Eritariya waxay sii laba jibaartay caawimaadda ey u fidineysay aragagixisada Soomaaliya. Markuu xukunka la wareegay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, xiriirka Eritariya iyo Alshabaab wuu sii xoogeystay. Khuburada siyaasadda ayaa ku macneeyay taageerada Eritariya ey argagixisada Soomaaliya taageereyso inuu yahay la dagaalan dadban oo ey kula jirto Itoobiya oo ciidamo ey Soomaaliya ka joogaan, laakiin eysan cadaawad u heyn Soomaaliya. Falanqeyntaan waa mid xaqiiqda aad uga fog—oo aan laheyn lugo ey ku istaagto. Sababtoo ah, Alshabaab ciddey layneysay ama wax ka burburineysay waa Soomaali, ee ma’aha Itoobiyaan. Doodaasna waxay u egtahay mid aan maalgal aheyn.

Haddaan u imaado cinwaanka doodeena ee ku saleysan dudida Jabuuti xukuumad iyo shacab ey ka dudeen baaqii madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyay Asmara. Jabuuti waa dad aan walaalo nahay, oo aan wadaagno; af, diin, isir iyo dhul. Jabuuti waxay xornimada qaadatay sanadkii 1977kii, waxaana madaxweyne ugu horeeyay ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon. Jabuuti waxaa wada dega dad Soomaali ah iyo qowmiyadda Canfarta ee katirsan bahweynta Kushtiga Bari. Soomaalida Jabuuti madaxweyne ma hesheen, mana ey noqdeen qowmiyadda shukaanta dalka heysa haddaan dawladdii Soomaaliya uu madaxweynaha ka ahaa AUN Siyaad Barre uusan u garab istaagin si toos ah iyo si dadbanba. Qisooyinka cajiibka ah ee dhacay sanadkii loo codeenayay madaxweynaha Jabuuti, lana tirakoobayay qowmiyadaha ku dhaqan Jabuuti waxaa kamid ah; in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyagoo kumanaan kun ah lagu amray iney galaan Jabuuti, dharka ciidanka iska dhigaan, xirtaanna dhar shacab—u codeeyaana iney yihiin CIISE ama Soomaali-Jabuuti. Sidaas ayeeyna walaalaha Soomaliyee ee Jabuuti ku noqdeen dadka ugu tirade badan ee dalka Jabuuti. Sidoo kale, dawladdii Soomaaliya ee xilligaas waxay walaalaha Jabuuti la garab istaagtay hiil iyo hoo, iyagoon ka hagran wax walba oo ey u awoodaan.

Haddaba Jabuuti sidee Soomaaliya ugu abaalguday? Sanadkii 1991kii, markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ey burburtay, halka kaliya ee Soomaali casumaad ka heshay si ey dawlad u dhistaan waxay aheyd Jabuuti—halkaas oo lagu soo dhisay dawlad Soomaaliyeed oo uu madax ka noqday madaxweyne Cali Mahdi Maxammed, nasiibdarro dawladdaas ma hanaqaadin, oo waxay la kulantay mucaarad hubeysan oo uu hogaaminayay janaraal Caydiid, kuwaas oo boqnaha qabtay dawladdaas. Wuxuu xaalka Soomaaliya sidaas ahaadaba, oo colaadihii sokeeye ee sii xoogeystaan, sanadkii 2000 waxay dawladda Jabuuti oo aan weli ka quusan Soomaliya mar kale casumaad u fidisay Soomaali iney Jabuuti isugu yimaadaan oo ka shiraan aayaha dalkooda. Isla sanadkaas waxaa lasoo doortay dawlad uu madax ka yahay madaxweyne Cabdi Qaasim Saalad Xasan. Sidii dawladdii Cali Mahdi, dawladda Cabdi Qaasim iyana ma hanaqaadin—oo waxaa ku kacay mucaarad badan.

Intaas kadib, Soomaaliya waxay gashay marxalad adag oo tiih iyo jahwareer badan. Waxaa dalka ka askumay ururo argagixiso kuwaas oo ka dhigay falalkii qabqablayaasha kuwo sahal ahaa oo aan sidaa usii buurneyn. Jabuuti waa walaal yar oo aan walaalkii ka weyn marnaba ku nicin duruufaha adag ee heysta, waxay markaan Soomaaliya usoo direyn ciidan, iyadoo xaaladda ey ku adkeyd—oo duruufo dhaqaale ey wajahayeen iyo iyadoo colaad ey kaga furneyd xuduudda ey la leeyihiin Eritariya. Soddonkii sano ey Soomaaliya burbursaneyd Jabuuti shacab iyo xukuumadba waxay Soomaaliya u hureyn naf iyo maal, waxayna mudan yihiin iney naga helaan waxay naga filayaan oo ah walaaltinimo, iyo ineynaan dhabarka ka toogan oo aanan nacabkooda usoo raacin. Xilliyadii dawladladda Soomaaliyeed ey burbursaneyd, dadka Soomaaliyeed waxay si dhib la’aan ku qaadan jireyn waraaqaha aqoonsiga Jabuuti. Waxay diyaaradaha Soomaaliya u socdaa saldhig u aheyd Jabuuti, iyadoo la waayay waddan kale oo daiyaaradahaas dayacu ka muuqday aqbala. Xilligii burburka Jabuuti waxay Soomaaliya u noqotay gegi ey ka duulaan iyo daaqad ey adduun weynaha kala xiriireen.

ERITARIYA: KU QABSO OO KU QADI MAYSIDEE!

16kii bishii Seyrmaweydo (Abriil) ee sanadkii 2008dii ayaa si gardarro aan geed loogu gabban waxaa xuduudda Jabuuti soo galay fasax la’aan ciidamo ka tirsan dalka Eritariya—kuwaas oo dhufeysyo ka qotay gudaha dalka Jabuuti. Jabuuti arinkaan waxay isku dayday iney si nabad ah ku dhammeyso, hase yeeshee Eritariya ayaa gaashaanka u daruurtay isku dayadii Jabuuti iyo wadamada deriska ah si arrinka si nabad ah loogu dhammeeyo. 10kii bishii Dirirsagaaro (Juun) ee sanadkii 2008dii ayaa dagaal xoogani ka dhex qarxay labada dhinac, kaas oo maxaabiis lagu kala qabsaday. Arrinkaan wuxuu sababay in Beesha Caalamka ey sameyso aag ciidanka ka caagan—kaas oo dhaca dhanka xuduudda xeebta Badda Cas ee u dhexeysa labada dhinac ee loo yaqaan Ras Doumeira. Khuburada siyaasadda Caalamiga ayaa ka shaki qaba in aagaas ey hoos ceegaagaan kheyraad saliid, taasina ey tahay sabata Ertariya ey duulaanka ugu soo qaaday Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, damaca Eritariya ayaa u muuqda KU QABSO OO KU QADI MAYSIDEE iyo QAYLO XAAJO SOO DHOWEYSAY.

Haddaba maxay tahay waxa Jabuuti noo dhintay oo aan nacabkooda u gacan haatinay? Madaxweyne Farmaajo maka fikiray in hadalkiisu uu yahay ileys cagaaran (green light) oo uu u shidayo dawladda Eritariya kaas oo fasirkiisu yahay idinkaan idinla jirnaa? Taageerada diblumaasiyadeed wey ka xoog iyo saameyn badan tahay taageerada military. Sababtoo ah, taageerda military waxay ku egtahay aaggagga dagaalka, halka tan diblumaasiyadeed ey ilbaab walba ey furi karto. Eritariya wey heshiiyeen Itoobiya, haddii cunuqabateynta laga qaado qolada kaliya ee ey weerareyso waa Jabuuti. Madaxweynaheena maka fikiray cawaaqib xumada uu baaqiisa keeni karo? Dadka dawladda sida indho la’aanta ah u taageera ayaa ku andacooday in baaqa madaxweyne Farmaajo uu yimid kadib wada xaajood uu madaxweynuhu la galay dhiggiisa Afawarqi, wada-xaajoodkaas oo la isku afgartay in Eritariya joojiso taageerada ey u fidiso Alshabaab, dawladda Soomaaliyana ey Eritariya ka taageeri doonto xagga diblumaasiyadda iyo in cunaqabateynta laga qaado.

Haddii arrinkaan uu yahay sida ey dadkaan ku warramayaan, haddaba haddii dawladdeena eyba caddeymo u heyso in Eritariya ey taageerto Alshabaab, Eritariyana ey qirsan tahay in arrinkaasu uu jiro; sow ma’aheyn in Eritarya iyo cadeymahaasba Beesha Caalamka loosoo bandhigo—oo si toos ah—oo wadajir ah loola dagaalamo Eritariya? Haddii ey dhab tahay warka taageerayaasha dawladda, sow lama dhihi karo dawladdeena waxaa ka muuqda aqoon-yari siyaasadeed iyo khibrad-xumi diblumaasiyadeed? Sidoo kale, qaar taageerayaasha dawladda kamid ah ayaa ku andacooda in Soomaaliya tahay dal madax banaan, una madax banaan go’aamadiisa. Waa hagaag! Waxaan dadkaan u sheegayaa taasi micnaheeda ma’aha in dawladda Jabuuti oo aan kor kaga sheekeeyay abaalada ey Soomaalida u gashay dhabarka mindi laga geliyo. Arrimahaan oo kale waxay u baahan tahay in laga baaraandego—oo si qoto dheer loo lafaguro intaan baaq degdeg ah lasoo jeedin. Sidoo kale, ma’aha in la qaato go’aan wax u dhimaya dawlad naf iyo maalba noo hurtay. Saxiibtinimada dalalka wey ka qoto dheer tahay kana mug weyn tahay saxiibtinimada shaqsiga.

SHIRQOOLKA WADAMADA KHALIIJKA

Midda kale, waxaa muhiim ah in loo toog hayo oo aad looga taxadarro shirqoolka wadamada Khaliijka ey la wareegayaan mandiqadda Bariga Afrika. Waxayna u muuqataa in madaxweyne Farmaajo uu ku dhacay dabinka iyo shirqoolka wadamadaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu shacbiyadda badan ku helay, laguna doortay waa isagoo abuuray suurad ah inuu yahay nin wadani ah oo neceb Amxaarada (Itoobiya). Yeelkadeedee, madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa inuu suuraddaas hawada ku jarjaray, isagoo noqday saaxiib u dhow dadkuu noogu sheegay inuu neceb yahay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu dawladihii ka horreeyay ku daleeceyn jiray iney yihiin dawlado u dhow Itoobiya—oo ciidamo Itoobiyaan ah dalka soo geliyay. Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in madaxweynuhu uu ka dheereeyay mudanayaashii ka horeeyay, oo iyaga wuxuu ku heystay ciidamo Itoobiyaan ayaad dalka soo geliseyn oo kaliya; isagana ciid Mubaarak ayuuba 4 dekedood Itoobiyaan u siiyay! Sidaas aawadeed, sow lama oran karo Farmaajo waa ka dheereeyay raggii ka horreeyay marka laga hadlayo u dhowaanshaha Itoobiya?

Waxay aheyd 15kii bishii Dirirsagaaro (Juun) ee sanadkaan markii madaxweynuhu uu si lama filaan ah uu is-afagarad ula saxiixday reysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Caabi Axmed. Is-sfgaradkaas oo ku qotoma maalgashiga ey Itoobiya maalgashaneyso 4 dekedood oo Soomaliya ah. Weynu wada ognahay in Itoobiya awoodin dhaqaalaha ku baxaya maalgashigaas oo lagu qiyaasay adduun dhan 4 Bilyan oo doolarka Mareykanka ah. sidoo kale, wey iska muuqataa in arrinkaan ey daaha gadaashiisa ka riixayaan wadamada Khaliijka oo ey Imaaraadku horboodayaan. Haddaba maxay rabaan wadamada Khaliijka, muxuuse yahay himiladooda ku aaddan Bariga Afrika? Wadamada Khaliijka waxaa kusoo foodleh daad weyn oo eysan hor istaagi karin, waana qorshayaasha Shiinaha, iyo in shidaalkii Khaliijka gabaabsi yahay. Wadamadaan waxay rabaan iney gacanta ku dhigaan mandiqadda Bariga Afrika si aan Shiine iyo mowjadiisu usoo caga dhigan. Qorshahoodu waa in mandiqadda oo dhan la hoos geeyaa Itoobiya, iyaguna ey Itoobiya usoo maraan wax walba. Waxaa arrinkaan durbadiiba ku baraarugay Jabuuti oo dalkooda ka cayriyay shirkadaha Imaaraadka, dalkoodana soo dajiyay Shiine, iyagoo dhowaan si wadajir ah Jabuuti iyo Shiinaha u wada dhagax dhigeen suuqii ugu weynaa Afrika.

Reysalwasaaraha Itoobiya Caabi Axmed waxaa loo xilsaaray gacan ku dhigidda dekedaha Soomaaliya; waxaana loo dhisay, loo tababaray, loona qalabeeyay ciidan badeed oo Itoobiya ey leedahay—oo xoog badan. Waxaa ciidankaan ey gacanta ku hayaan Imaaraadka loogu talogalay in xeebaha Bariga Afrika lagu ilaaliyo. Ciidanka Badda ee Itoobiya waa sidii kuwii Imaaraadku ka sameeyeen Puntland, oo iyaga ayaa gacanta ku haya, howshey u dirsadaan ayey fulinayaan. Muddadii yareeyd uu reysal wasaare Caabi Axmed xukunka hayay, wuxuu ku guuleystay gacan ku dhigidda Eritariya iyo Soomaaliya. Haddaba waxaa la oran karaa in Imaaraadka si dadban loogu gacan geliyay dhammaan wadamada Bariga Afrika marka Jabuuti laga reebo. Soomaaliya weli waa caymataa ooh al lug ayaa lagu dhagan yahay, toloow lugta kalana malaga qaban, mise wey baraarugi oo lugta laga heysto ayey soo furan?

GUNAANAD

Isku soo wada xooriyoo, mandiqadda aan dhacnaa waxaa ka socda hardan iyo loolan culus, oo ey ku hardamayaan wadamo shisheeye. Waxa kaliya ee marxaladdaan looga bixi karaa waa ka baaraan degid laga baaraan degayo dhaqdhaqaaqyada dibulaamsi ee aan la sameyneyno wadamada gobolka iyo kuwa shisheeye. Sidoo kale, waxaa la inooga baahan yahay inaan la imaano hiraal fog, kana fogaano fudeydka aan isku dulsaareyno qalinka iyo waraaqaha wax lagu saxiixo. Todobaadkii hore, maxkamadda sare ee dalka Ingiriiska waxay magdhow u xukuntay shirkada DP World ee laga leeyhay dalka Imaaraadka. Magdhowgaan wuxuu la xiriiraa kadib markii dalka Jabuuti uu waxba-kama-jiraan kasoo qaaday heshiis 30 sano ah oo ey shirkaddaas la gashay. Soomaalida waxaa looga baahan yahay iney Jabuuti cashar ka bartaan oo eysan ku degdegin heshiisyo aan la iska hubin iney la gasho wadamo shisheeye, kana feejignaadaan iney ku dhacaan dabinka Imaaraadka.

Dhigaalkaan wuxuu ku baaqayaa in aan si gobannimo leh uga jawaabno kana xaalmarinno cabashada walaalaheen Jabuuti. Qoraalkaan wuxuu si guud usoo kormaray sooyaalka taariikheed ee aan la wadaagno walaalaheyn Jabuuti, iyo ineynaan walaalaheen dhabarka ka toogan. Sidoo kale, qoraalkaan wuxuu isbarbardhigay abaalka aan u kala galnay Eritariya iyo Jabuuti iyo waxa dal walba uu abaalgud nooga dhigay. Ugu danbeyntii wuxuu qoraalkaan xoogaa ka taabtay shirqoolka iyo dabinka ey wadamada Khaliijku la wareegayaan mandiqadda Bariga Afriga.

W/Q: Abdiaziz Arab


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin